BIYO LA’AAN KA TAAGAN DEEGAANKA GERILEY EE GOBOLKA GEDO

0
118

Xaaladahani biyo la,aanta ah ee haatan ka soo cusboonaaday deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ku taala xuduuda u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dambeysay markii ay gureen Warahii oo dadka iyo duunyadu ay biyaha ka heli jireen iyo ceelashii ku yaalay deegaankaasi oo dhamaantoodba biyo laga waayey.

Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka Geriley ayaana arrintaan qaylo dhaan ka soo saaray. Cali xuseen Aden oo ka mid ah odayaasha degaanka oo la hadlayey Warbaahinta Ergo ayaa sheegay in biyo la’aanta jirtaa meel adag marayso, ayna qiimaha la kala siisanayaa yahay qaali, isagoo sheegayna in xilli roobaadkii oo baaqday ay Warahii iyo Ceelashii biyaha laga heli jirey oo dhamaantoodba guureen.

“maalmahii ugu dambeeyey waxaa cirka isku shareeray qiimaha lagu gato biyaha dadkuna waxay safaf dhaadheer u galayaan sidii ay biyo u heli lahaayeen, biyaha qura ee deegaanka laga isticmaalo waa biyo ganacsi oo booyado looga keeno degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, fuustadiina waxaa la kala siistaa 1000 kenya oo u dhiganta 300kun oo shilinka Soomaaliga ah waana qiimahii ugu sareeyey ee soo mara deegaanka ayuu yiri Cali Xuseen”.

Deegaanka Geriley ayaa waxay ka mid tahay meelaha ugu daran ee xilliyada Jilaalka iyo Abaaraha biyo la,aan darteeda looga barakaco, iyadoo dadka halkaasi ku nool oo u badan xoolo dhaqato reer guuraa ah.

Guud ahaan robkii gu’ga ayaan ka da’in gobolka gedo tanoo markale soo celin karta abaarihii sanadkii hore la soo maray, iyadoo hay’addaha gargaarku ka digeen arrintaan.
Saalixi/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here