Collaadaha ka taagan qeyba ka mid ah jubbada hoose

0
34

Dadka ku dhaqan magaalada xarunta u ah gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo ayaa walwal ka muujinaya duqeymo  kaga soo dhacaya dhanka xeebta,kuwaasoo ay sheegen in ay ku dhacayaan halka badda iyo wabigu iska galaan gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Goobweyn oo isagu in yar u jira degmada Kismaayo.

Mid ka mid ah  wax garadka ku nool degmada Kismaayo oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in dhawaqa deryanka duqaynta si weyn looga maqlayo magaalada Kismaayo taasoo uu sheegay in ay  khalkhal ku abuurtay shacabka ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda “waa maalintii saddexaad ee aan duqeyntaasi maqlayno xalay waxay socotay illaa laga gaaray shantii saac, haddana waxay nagu soo billaabeen siddeeddii saac ee saqdii dhexe waxay socotay illaa salaadddi subax ,waxaan aragnay maraakiib badan oo aan sidaa nooga fogeyn kuwaa ayaana laga soo ridayay duqaynta” ayuu yiri ninkaasi ka tirsan wax garadka ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo isagoona intaasi ku daray in aanay jirin cid wax ku noqotay marka laga reebo wiil yar oo firir soo gaareen isagoo ku sugan Suuqa xoolaha eek u yaala duleedka magaalada.waxaana uu sheegay inaanay jirin illaa iyo hadda wax duqeyn ah oo ku soo dhacday gudaha Kismaayo.

Dhanka kale cabsi aad u xooggana ayaa soo wajahday dadka rayadka ah eek u nool degmada Afmadow kaddib markii  ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni ay ku soo dhawaadeen magaalada , iyadoona halkaasi ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah, dhinaca kale ciidamada Alshabaab ayaa iyaguna soo buux dhaafiyay magaalada Afmadow sida ay ku warramayaan dadka degaanka.

Qaar ka mid ah  dadka ku   nool degmada Afmadow ayaa iyagu sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay ka barakacaan guryahooda”waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaqii ganacsiga degmada dhammaan waa ay xiran yihiin goobihii ganacsiga dhawaqa ama daryanka madaafiicda ayaan maqlaynaa xaaladdeenuna waa mid cabsi ay ku jirto mana naqaano meel aan qabano waxaan codsanaynaa in caalamku uu arrintaan wax ka qabto” sidaana waxaa Ergo u sheegay mid kamid ah dadka deeganka oo ka gaabsaday in magaciisa uu sheego.

Si kastaba ha ahaatee degmada Afmadow  waa degmada labaad ee ugu weyn degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaasi Jubbada hoose waxaana degmadu ay muhiim u tahay isu socodka gobollada Jubbada dhexe iyo Gedo.

Khadar Maxamuud/AA

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here