Cusbitalka Madiina waxaa uu ka midyahay xarumihii caafimaad ee ay dhistay xukuumaddii kacaanka,waxaana uu ahaa xarun caafimaad oo ay si gaar ah u lahaayeen ciidankii Booliiska Soomaaliyeed ee xilligaasi, jiray balse wixii ka dambeeyay burburka waxaa uu ahaa cusbitalku mid ku xirmay dagaaladii ka qarxay dalka sanadkii 1991kii.
Sanadkii 2000 ayay ahayd markii dib loo hawl galiyay cusbitalka Madiina kadib markii hay,adda ICRC ay sheegtay in cusbitalka ay ka taageeri doonto fududeynta hawlaha uu qabanayo.
Haddaba maxaa hawla ah ee uu qabtay cusbitalka Madiina muddadii 12ka sana ahayd ee ka soo wareegatay dib u furiddiisa,waxaa arintaasi idaacadda Ergo uga warramay Dr Maxamad Yuusuf oo isagu ah agaasimaha guud ee cusbitalka Madiina.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in muddadii uu shaqaynayay cusbitalkeena uu ku tallaabsaday horumar la taaban karo, sidaana waxaa yiri Dr, Maxamad Yuusufd oo sheegay in cusbitalka Madiina la soo gaarsiiyay bukaan socod dhan illaa 40,890 qoffood, sidoo kale waxaa uu sheegay in cusbitalka la dhigay dhaawacyo gaaraya illaa 40,392 dhaawacyo,sidoo kale Dr, Maxamad Yuusuf ayaa intaasi ku daray in cusbitalka la jiifiyay tira bukaano gaaraya ilaa 41,460 “sidoo kale waxaan qalliino ku samaynay bukaano gaaraya illaa 39,638” ayuu yiri Dr, Maxamad Yuusuf oo isagu ah agaasiamaha cusbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
“Cusbitalka waxaa uu doortay in uu dhexdhexaad ka ahaado siyaasadaha ka jira dalka , ma jirto koox aan gooni ula shaqayno” ayuu yiri Dr Maxamad Yuusuf isagoona intaasi ku daray in shaqaalaha cusbitalku ay yihiin kuwa iskaashi uu ka dhexeeyo si wanaagsanna iskula shaqeeya .
Dhinaca kale Dr Maxamad Yuusuf ayaa Ergo u sheegay in cusbitalku uu xarun tababar u yahay taqaatiirta cusub ee soo baxaysa, isagoona sheegay in cusbitalka uu soo saaray suuxiyaal ku faafsan qeybaha kala duwan ee gobollada dalka iyo taqaatiir fulin karta qeybaha kala duwan ee qallimada loo sameeyo dadka , Dr Maxamad Yuusuf ayaa ugu dambayntii sheegay in cusbitalka lagu soo kordhiyay dhismayaal cusub ,haatana ay yaallaan illaa 160 sariirood halki loogu tala galay illaa 80 sariir waxaana uu sheegay in cusbitalka dhawaan lagu soo kordhiyay qaybta cudurada haweenka isla mar ahaantaana ay ku umulaan qalliimana loogu sameeyo,ay aad ugu faraxsan yihiin wax qabadka cusbitalka muddadii dib loo hawl galiyay.
Si kastaba ha ahaatee cusbitalka Madiina waxaa uu ka mid yahay cusbitaalada la dhigo dhaawacyada shacabka xilliyada ay soconayaan iska hor imaadyada ,waxaana lagu xusuustaa hawlihii uu qabtay muddadii dagaalada iyo duqeymaha culusi ka dhacayeen gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kaynaan/AA/MH