Muhaajiriin soomaaliyeed oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyootay xadka kala qeybiya muzambique iyo malawi

0
66

Inta la xaqiijiyay illaa laba ruux oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa  u geeriyootay sababa la xiriira baahi iyo cudurro soohdinta ay wadaagaan waddamada Mozambique iyo Malawi ,dadkaan geeriyooday ayaa qayb ka ah in ka badan illaa boqol iyo soddon ruux oo muhaajiriin Soomaaliyeed kuwaasoo  ku xanniban soohdinta  kala qeybisa dalalka Malawi iyo Mozambique .

Sida uu ku soo warramayo wariayheena Mozambique Faarax Dubbad  illaa 15 ruux oo muhaajiriin Soomaaliya ayaa iyaguna la ildaran cuduro kal duwan oo ku haleelay magaalada Teetee oo iyadu ah magaalo ku taala xudduuda kala qeybisa Malawi iyo Mozambique,dadkaan oo iyagu ka yimid dhinaca waddanka Tanzania ayaa iyagu doonayay in ay Malawi  kaga sii gudbaan waddanka South afrika oo muddooyinkii ugu dambeeyay muhaajiriin ay Soomaalidu ka mid tahay ku sii qulqulayeen.

Hay,ad u ka shaqaysa fududeynta sharciyada la siiyo qaxootiyada oo fadhigeedu yahay Mozambique ayaa iyadu ka codsatay xukuumadda waddanka Malawi in dalkeeda ay ka furto xero qaxooti  oo lagu xareeyo dadka muhaajiriinta ah , waxaana ay hay,addaasi ay sheegtay in Malawi ay diidday  dalabkaasi,wararka ayaa intaasi ku daraya in  sidoo kale illaa boqol iyo toddobaatan kale oo ka soo jeeda dalka Congo ay ka mid yihiin dadka halkaasi ku xanniban.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay isa soo tarayay dhibaatooyinka kala duwan ee soo waajahaya muhaajiriinta Soomaaliyeed eek u sugan dalalka ku yaala bartamaha iyo koonfurta  qaaaradda Afrika mana jiraan illaa iyo hadda cid gacan ka geysatay sidii laa samatabixin lahaa dadkaasi  Soomaaliyeed, dhawaan ayay ahayd markii urur  samafal ah oo lagu magacaabo Daryeel  oo ka dhisan Mozambique uu kaalmooyin isugu jira cunno iyo dawooyin uu gaarsiiyay qaxooti Soomaaliyeed oo ku dayacan soohdinta kala qeybisa Tanzania iyo Mozambique.

Faarax Dubbad/AA/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here