Xaalada dhabta ah ee xilligan kataagan cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid mashquul badan, qeyb waliba oo cusbitaalka kamid ahna waxa buuxdhaafiyay carruur uu soo ritay cudurka shuban biyoodka
Inkabadan sadax boqol oo ruux oo badankood ay yihiin carruur ayaa hada ku jira isbitaalka kuwaasi oo dhamaantoodba uu shuban biyood ku dhacay, kana kala yimid Muqdisho iyo degaanada ku dhow dhow.
Isbitaalka ayaa aad u buuxdhaafay waxana dadka qaar lagu hayaa teendhooyin iyo geedaha hoostooda. Mid kamid ah qeybaha carruurta ee isbitaalka oo weriyaheena Yusuf Keynaan gudaha u galay ayuu ku arkay meel aad mashqull badan. Carruur badan oo ooyeysa waalidiin wax dhaqid iyo caruur aamusiin ku mashquulsan iyo dhaqaatiir ay kalkaaliyayaal lasocdaan oo iyana daaweyn ku guda jiray ayaana ka mid ahaa wuxuu arkay.
Dhowr ka mid ah waalidiinta ay carruurta shuban biyoodku ka hayo oo Radio Ergo lahadlay, Madina Macow ayaa lay yiraahdaa, shalay ayuu shubanku igaga dhacay ilmaha hadda xoogaa ayay soo roonaanaysaa, aabe isaguna dul taagan gabadh yar oo uu dhalay ayaa isna sheegay in xalay shubanku ku soo booday, ayna keeneen isbitaalka Banadir haddana uu ka war sugayo siday xaaladeedu noqon doonto.
Dr Shaafici Maxamed Jimcaale wuxuu kamid yahay dhaqaatiirta qeybta carruurta ee Isbitaalka Banaadir isagoona Radio Ergo la hadalaya ayuu sheegay; “sidaa ula socotiin wakhtigaan waa kulayle, waana xilliga shuban biyoodku kordho, dadka ugu badan ee uu ku dhacayna waxaa isbitaalka la keenay todobaadkii la soo dhaafay, waxaana isbitaalka Banadir la soo jiifiyey 315 bukaan oo fuuq bax saa’id ah, oo 60% ay ahaayeen carruur ka yar 5 jir, sidoo kale waxaa hadda iyana soo badanaya dadka waaweyn ee cudurku hayo, waxayna dadku ka imanayaan Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo inta u dhaxaysa, badina dadka uu ku dhacayaa cudurku waa kuwa degan xeryaha lagu barakacay, sidaad u jeedaanna dadka bukaanka ahi waa sii badanayaan, waxana muhiim ah in dadka la siiyo biyo nadiif ah iyo wacyi gelin la xiriirta sida shuban biyoodku ku bilowdo iyo sida loola tacaali karo, waxaana dhakhtarku u sheegay bulshada in marka shuban la arkaba si degdeg ah loo gaarsiiyo goobaha isbitaalada, lana siiyo qofka shubmaya waxkastoo cabitaan ah soona celin kara fuuq baxiisii.
Isbitaalka Banadir ayaa ah mid 24ka saacba ku mashquulsan qaabillaadda dadka buka, iyadoo ay wakhtigaan ka hawl gelayaan qaybaha la tacaalista cudurkaan, 6 dhakhtar, iyo 12 kalkaaliye.
Xaalada shubanka ee bukaanada la keenay hada ayuu dhakhtarku xaqiijiyey geerida dhowr carruur ah oo gudaha cusbitaalka ku dhimatay
Xilli walba oo ay bilowdaan roobabku ayaa cudurkan xoogiisa lagu arkaa Muqdisho iyo gobalada Soomaaliya intooda badan, waxaana loo aaneynayaa nadaafad darrida iyo biyaha wasakhaysan ee fariista wadooyinka oo carruurtuna ay badanaa ku ciyaaraan
Xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ku nool wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaana dagaalada iyo barakaca ka jiraa ku riixayaan inay xirmaan goobihii ay ka heli jireen adeegyada caafimaad, tanoo sababi karta in cudurku si fudud ugu faafo xili ay badhtan ugu jiraan barakac kale oo ay sababeen dagalada maalmihii la soo dhaafay ka jirey deeganadaas.
Kasokow cusbitaalka Banadir waxa dadka uu halleelo shuban biyoodka lagu daweeyaa cusbitaalada waaweyn iyo xarumaha yar yare e kashaqeeya caafimaadka sidoo kale sameynta cudurkan ayaa si aah ah looga dareemayaa xaafadaha muqdisho oo uu ku sii fidayo.
Yusuf/MH