Dagaalo maalintii saddexaad ka socda duleedka waddada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

0
83

Dagaalada ka socda Muqdisho bannaankeeda  ayaa galay maalintii saddexaad iyadoo maalinnimadii  shalay dagaaladii kadhacay  degaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho ay saameyn xoog leh ku yeesheen qoysas  badan oo kamid ah barakacayaasha waxana inta laxaqiijiyey ilaa iyo hada  ku dhintay lix ruux oo saddex ka mid ah ay caruur ahaayeen, saddexda kalana ay isugu jireen haween iyo rag, sidoo kale dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ayaa la sheegay in ay  gaarayaan illaa toban ruux oo qaarkood la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad u culus, kuwaasoo  sida la sheegay la gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Saddex ruux ka mid ah  dadka dhintay ayaa waxa ay ku geeriyoodeen degaanka Kaxda oo ku taal duleedka degmada  Dharkeynleey halkaasi oo madaafiic iyo rasaas ay ku haleeshay dad barakacayaal ah oo halkaasi kasii baxsanayay xilli dagaalku uu si xawli leh ku soconayay
Sidoo kale illaa saddex ruux ayaa iyagana ku dhintay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, kaddib markii guryahooda ay madaafiic ugu tagtay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dagaalada ayaa wali ka socda degaanada loo barakacay, iyadoo ciidamada dawladu ku sii siqayaan degamada Afgooye, waxaa la maqlayaa wali dhawaqa rasaasta gaara ahaan qoriga loo yaqaano taangiga, hase yeeshee wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno degaanada ay ku sugan yihiin barakacayaasha ayaa sheegaya in ay billaabeen dadku in ay si weyn uga soo barakacaan  iyagoona ku soo qul qulaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dhinaca kale waxaa jira qoysas ka mid ah barakacayaasha kuwaasoo aan awoodin in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.

Dhinaca kale xiriiriyaha  arrimaha bini ,aadaminimada Soomaliya u qaabilsan Q m Mark Bowden, ayaa hadal ka soo saaray  arrimaha hadda soconaya waxaana uu yiri:-

“waxaan ku celinayaa baaqeygii aan dhammaan dhinacyada ugu baaqayey in ay dadaal kasta ku bixiyaan yareynta raadka uu iskahorimaadku ku yeelanayo dadka rayidka ah ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro dadka u baahan” Ayuu yiri Mark Bowden oo ah xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray “Ilaa hadda, ma hayno warar tilmaamayaa qax ballaaran oo dadku uga qaxayaan degaankaa.

Haseyeeshee, waxaan ka wel welsannahay in cadaawadda oo korodha ama hawlgal dabadheeraada ay keeni karaan bara kac, kaas oo sii yareynaya awoodda ay leeyihiin degsiimooyinka barokacayaasha iyo bulshooyinka degaanka ee marti geliyey ee Muqdisho ama dadka ka kaxaynaya gar gaarka nafaha lagu badbaadiyo ee ay u baahan yihiin. Ayuu hadalkiisii kus oo gabagabeeyay Mark Bowden.

Yuusuf Kaynaan/ AA/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here