Ku dhowaad 10 dhalinyaro Soomaali ah oo muddo ka badan 6bilood ku xirnaa xabsi ku yaalla caasimadda dalka Namibia ee Windhoek ayaa la sii daayay toddobaadkii hore.
Barre Cumar Cali oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Namibia ayaa Ergo u sheegay in dhalinyaradaas ay doon kaga soo galeen dalka Koofur Afrika laguna qabtay magaalada Keetmanshoop ee dalka Namibia.
Dhalinyaradan ayaa doonayay inay si tahriib ah ku galaan dalka Angola, waxaana sii deyntooda ka qeyb qaatay guddiga muslimiinta dalkaas.
Maxamed Aadan oo ka mid ah dhalinyarada xabsiga laga sii daayay ayaa Ergo uga sheekeeyay xaaladdii ay kala kulmeen xabsigii ay ku xirnaayeen “Lix bilood ayaan xirneyn annagoo aan wax maxkamad ah nala saarin, jirdil iyo cunto xumo ayaan kala kulannay gudaha xabsiga, balse haddan xoriyaddeyda dib u helay waxaan doonayaa inaan Soomaaliya dib ugu laabto.” Ayuu yiri Maxamed.
Muddooyinkii ugu dambeeyay Soomaali badan ayaa ku qulqulayay dalka Angola, oo ay aaminsan yihiin inuu haatan dhanka fursadaha shaqada kaga fiicanyahay dalka Koofur Afrika.
Faarax Dubbad/FM