Iyadoo dagaalo u dhaxeeya ciidamada DKMG Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa midawga Afrika ee AMISOM iyo kuwa ciidamada Shabaab ayaa waxaa walaac xoogan uu soo food saaray barakacayaasha ku dhaqan duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku nool waddada dheer ee xirririsa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Qoysaskaan barakacayaasha ah oo isugu jira kuwa markoodii horeba ka soo barakacay dagaalada Muqdisho iyo kuwa kale oo ka soo barakacay qeyba ka mid ah gobollada dalka ayaa cabsida ugu wey nee soo foodsaartay waxa ay tahay mid ku saabsan inuu dagaalku ku soo fido goobaha ay deggan yihiin isla mar ahaantaana uu saamayn xooggan ku yeesho.
“Waxaan degganahay degaanka Lafoole waxaan maqlaynaa madaafiicda xooggan ee la is weydaarsanayo waxaana jira walaac ay dhamaan dadka nala qabaan kaasoo la xariira dagaalka soo cusboonaaday” sidaana waxaa Ergo u sheegtay mid kamid ah hooyooyinka barakacayaasha eek u sugan degaanka Lafoole iyadoona intaasi ku dartay in ay jecel yihiin in ay ku laabtaan magaalada Muqdisho, haddii uusan xaalku iska baddalin sida uu haatan yahay.
Barni waa hooyo deggan deegaan lagu magacaabo Jabad geelle oo hoos yimaada deegaanka Ceelasha Biyaha, waxa ay u sheegtay Radio Ergo in ay jiraan kurbo iyo wal wal ay ka qabaan dagaalada soo cusboonaaday,waxaan maqlaynaa ayay tiri dhawaqa hoobiyaal ku soo dhacay meel aan ka fogeyn halka aan deggannahay,Barni ayaa sheegtay in goobta ay deggan yihiin ay tahay dhul bannaan oo aan lahayn meel la gabbaadsado.
“Xaaladdu waa ay nagu adagtahay aniga iyo sagaalkayga carruurta ah”sidaana waxaa Ergo u sheegtay in Barni oo dhinaca kale sheegtay in ay jeclaan lahayd in ay u qaxaan iyada iyo reerkeeda gobollada dhexe hadii aan heli karno qarashaad ayay tiri.
Qaar ka mid ah hooyooyinka barakacayaasha ee ku nool degaanada loo barakacay ee waddada Afgooye oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay dhammaantood in ay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan dagaalada soo cusboonaaday, iyagoona sheegay in xilligaan aanay awoodin in ay barakacaan maaddaama ay marar badan horay u barakaceen.
Si kastaba ha ahaatee xaalado kacsanaan ah ayaa ka jirta xilligaan degaanada loo barakacay iyadoona dadku ay muujinayaan cabsi lixaad leh oo ku saabsan noloshooda.
Cabdulqaadir Mohamed Cabdulle/AA/MG