650 qoys oo ku barakacay colaado oo ku dhibaateysan deegaanka faafaxdhuun ee gedo

0
83

Waxaa laga deyrinayaa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin boqollaal qoysas oo ku barakacay dagaallo dhowaan ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun oo ka tirsan gobolka Gedo ku dhexmarey 17kii bishaan May ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo xarakada Alshabaab, dadkaan oo u badan haween iyo carruur ayaa dhibaatada ugu darani tahay cunno la,aan iyo hoy la,aanQoysaskaasi barakacayaasha ah ayaa markii ay dagaalladu dhaceen u cararay goobaha miyiga ah ee ku teedsan Faafaxdhuun, iyagoo la hadlayey warbaahinta Ergo ayey waxay sheegeen in xaaladdooda nololeed haatan ay taagan tahay meel halis ah, dhibaatooyinka nolol xumona ay u sii dheertahay welwelka colaadaha iyo degganaansho la`aanta halkaasi ka jirta iyo weliba xirnaanshaha waddooyinkii ay soo marayeen badeecooyinka ganacsi oo ku xirmay dagaallada.

Axmed Maxamed Cidiyar oo  oo ka mid ah duqeyda qoysaska ka barakacay Faafaxdhuun oo la hadlayay Ergo ayaa sheegay in meel halis ah ay taagan tahay nolosha dadkii ka barakacay Faafaxdhuun oo tiradoodu uu ku sheegay in ay gaarayaan ku dhowaad ilaa 600 oo qoys, isagoo sheegayna  mushkiladda ugu daranna in ay ka taagan tahay dhinaca helitaanka raashinka, hoy la,aan iyo weliba cudurro ay ka mid yihiin duumada iyo caabuqyada neef mareenka ku dhaca oo uu sheegay carruur badan in ay la liitaan.

Sidoo kale Aadan Shuqul Nuunow oo ah guddoomiyaha deegaanka Faaxafdhuun ayaa sheegay dadka ka barakacay Faafaxdhuun in ay gaarayaan ilaa 650 qoys oo guryahoodii ka cararay, waxaana  uu rajo xumo uu ka muujiyey xaaladaha ay  ku sugan yihiin qoysaskaasi faraha badan in xilligan ayan uu muuqan ifafaalo ay dib ugu soo laaban karaan deegaanka, maaddaama weli ay taagan tahay cabsidii dagaal.

Ma jiraan ayuu yiri ilaa iyo hadda cid gargaar bini,aadinnimo u fidisey qoysaskaasi, 21 maalmood ka hor ayaan ugu dambaysay raashin gargaar oo la soo gaarsiiyo Faafaxdhuun, kaasoo ahaa raashin ay so dhiibtay WFP oo ay soo marsiisay hay’ad gudaha lana yiraahdo HEAD, fadhigeeduna yahay Ceelwaaq, rashinkaasna ay soo gudbiyeen ciidamadda Kenya, ammaanka waddada oo xun darteed ayaa ka koobnaa saliidda raashinka lagu karsado, digir iyo galley, siduu sheegay guddoomiyaha deegaanka Faafaxdhuun.
Salixi/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here