Biyo la’aan ka taagan degmada garbahaarey

0
36

Xaalad biyo la’aan oo aad u baahsan ayaa soo food saartay dadka ku nool magaalada xarunta u ah gobolka Gedo ee Garbahaarey,waxaana lagu soo warramayaa in biya la,aantaani soo foodsaartay dadka ku dhaqan degmada ay ugu wacan tahay markii uu burbury dhawaan matoorkii ceelka biyaha siin jiray degmada.

Burburka ku yimid matoorka ayaa la sheegay in ay ugu wacan tahay iska horimaad halkaasi ku dhexmaray dhinacyada isaga soo horjeeda gobolka Gedo oo muddooyinkii ugu dambeysayay dagaalo halkaasi ku dhexmarayeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xaaladda biyo la’aanta ee ka taagan degmada ay gaartey heerkii ugu sarreeyay,iyadoona dadka iyo duunyada ku nool degmadaasi ay isku si u saamaysay biya la,aantaasi.waxay kaloo sheegeen in biyaha ay ka dhaansadaan togga weyn ee mara degmada aanu ahayn nadiif.

“Biyaha waxaa lagu keenaa karreetooyin iyadoo laga soo dhaaminayo togga dhex mara degmada” sidaana waxaa Ergo u sheegay Aadam Cali Xasan oo ka tirsan waxgaradka ku nool degmada Garbahaareey isagoona intaasi ku daray in fuustadii biyaha ahay Garba haareey ka joogto hadda siddeetan kun oo shilin Soomaali, taasoo uu sheegay in ay badi dadka ku adagtahay.

“Dadka ma heystaan meel ay biyo u doontaan, ceelkii ay biyaha ka heli jireenna dhibaatadaas ayaa ku dhacday, waxay dad badan taas ku khasabtay in ay ka barakacaan magaalada oo u guuraan meel ay biyo ka heli karaan” Ayuu yiri Aadam oo sheegay in biya la,aantaani ay tahay middii ugu darnayd ee muddooyinkaan dambe ka dhacday degmada.isagoona codsi u diray hay,adaha samafalkaiyo qurba joogta ka soo jeedda gobolka.

si kastaba ha ahaatee colaadaha ka dhaca qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa sababa inta badan biya la,aan soo wajahda dadka gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka jiray iska hor imaadyo hubeysan kuwaasoo u dhexeeya dhinacya ku loollamaya gacan ku haynta gobolka.

Axmed Cumar Saalixi/MG/AA

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here