Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska u qaabilsan la socodka hay’adaha ajnabiga ah ee OSAFA, ayaa waxaa Alshabaab ay digniin ugu dirtay qandaraas laáyaasha iyo ganacsatada raashin u daabula hayáddaha caamaliga ah ee ay horay u mamnuucday Alshabaab.
Xafiiska Alshabaab u qaabilsan la socodka hay’adaha ajnabiga ah ee OSAFA ayaa waxa uu u sababeeyay digniintaas in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool qaar kamid ah gobollada dalka, kuna aadan sicir jabin ay hay’adda WFP ku hayso ganacsiga Soomaalida.
OSAFA ayaa sheegtay in baaritaan ay samaysay in ay ku ogaadeen arrimahaas, iyagoona warsaxaafadeedkaaasi qodobo ku qornaa u dhigan sidan.
1- In Hay’adda WFP ay waji cusub ku billowday dhibaataynteedii shacabkaMuslimka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya.
2- In markii laga kabsaday sicir jabintii ayWFP ku heyn jirtay beeralayda dalka ay shirqoolkeedii u weecisay ganacsatada Soomaaliyeed ee raashinka keensata.
3-In shaqsiyaad ka mid ah ganacsatada Soomaalida ay WFP ku gacansiinayaansad-bursiga iyo sicir jabinta ka dhanka ah ganacsatada kale ee gobollada dalka, Sidaas darteed maadaama Islaamku uu farayo ilaalinta hantida Muslimiinta waxaa uu Xafiiska OSAFA soo saaray go’aanadan soo socda oo dhaqan galaya laga bilaabo taariikhda la faafiyobayaankan.
Go’aanka OSAFA.
Waxaa gabi ahaanba mamnuuc ah qandaraas ka qaadashada hay’adihii hore looga mamnuucay dalka oo ay WFP ka mid tahay.
Waxaa ganacsatada ka mamnuuc ah inay raashinka kasoo iibsadaan WFP si ay sicir-jebin iyo sad-bursi ugu sameeyaan ganacsatada kale ama beeralayda dalka.
Qof walba oo lagu helo isagoo gacmaha kula jira mashaariic lagu qal-qal gelinayo badqabka dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed waxaa laga qaadi doonaa tillaabo waafaqsan Sharciga Islaamka.
Haddaba qodobo kale oo ku jiray warsaxaafadeedka Alshabaab ayaa uu sidoo kale u digay wax ay ugu yeereen hay’addo ajaaniib ah oo ay sheegeen in ay dalka ka hirgelinayaan mashaariicda kala duwan oo ay tilmaameen in ay cadawtooyo dhaqaale ku dheehantahay, Alshabaab ayaa waxa ay sheegtay in kuwaas ay la kulmi doonaan cawaaqib xumada ka dhalata hagardaamada ay u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Al-shabaab ayaa sanadkii hore ka mamnuucay deegaanada ay ka taliyaan hay’addo gargaar oo ay tiradooda kor u dhaafaysay ilaa 20, waxaa kamid ahayd hay’adaha WFP, Care, World Vision, Diakonia, UNDP,UNPOS, ADRA, UNHCR, WHO, UNICEF, UNFPA, UNOPS, FSNAU, NRC, DRC, Concern,NCA, COOPI,SAWA,GTZ,ACF, Solidarity iyo kuwa kale.
Yusuf Keynaan/AA/MG