ROOBAB GOOYAY WADDADA ISKU XIRTA LAASCAANOOD IYO TOGDHEER IYO GAADIID WALI KU XANIBBAN

0
71

Waddada dheer ee Laamiga ah ee  isku xirta gobollada Sool iyo Togdheer  ayaa waxa wali ka Taagan dhibaatooyin  lixaad leh kadib markii roobab xooggan oo ka da’ay degaanadaasi ay sababeen in ay  sii bur burto waddada.

Wali waxaa go,an waddada dheer ee laamiga ah taasoo xiriirisa ,magaalada Laasa caanood iyo degaanada ka xiga waqooyiga ee sii dherersan illaa magaalooyinka gobolka Togdheer oo deris la ah gobolka Sool, waxaa joogsaday gaadiidkii  isticmaali jiray waddadaasi, kaasoo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo ganacsiag.

Seyladda lagu iibiyo xoolaha nool ee degmada Laas caanood ayaa muddooyinkaan dambe waxaa ad ugu yaraaday xoolihii loo iib geyn jiray,taasoo loo sababeynayo burburka waddada , sidoo kalena degaana badan gobolka  waxaa aad u yaraaday dhaq dhaqaaqii ganacsiga,

“Waxaan ku jirnaa go,doon maxaa yeelay waxaa naga xirmay ganacsigii ma jiraan wax isu socod ah degaanadeenuna waxaa ay u muuqdaan kuwa ka go,an qeybaha kale ee gobolka” sidaana waxaa Ergo u sheegay mid ka mid ah odayaasha tuulo Sama kaab oo ku taala duleedka  Laasa caanood . waxaana uu  baaq u diray dhammaan hay,adaha samafalka isagoona ka codsaday in  did u dayactir lagu sameeyo waddada oo u muuqata mid uu soo waajahay bur bur aad u xooggan.

Si kastaba  ha ahaatee bur burka ku yimid waddada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Laas caanood iyo degaanada gobolka Togdheer ayaa caqbad ku noqotay ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka iyo dadka,iyadoona waddadaani anay helin wax dayactir ah muddadii uu waddanku ku jiray  burburka.

Cabdikariim Olol/MG/AA

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here