Xiligaan waa gu’ goobo badan ay roobsadeen meela door ahina aysan weli roob helin, waana wakhti dadka xoolo dhaqatada ahi ku jiraan hayaan ay ku raadinayaan goobo baad leh, sidoo kale xiliyada kala wareega jilaalka iyo aaranka ayaa samayn ku yeesha keenista xoolaha sayladaha lagu iibiyo.
Saylada magaalada Burco oo ahayd iyadu todobaadyadii la soo dhaafay mid gaabis ah dhinaca xoolaha ayaa hadda dhaqdhaqaa wanaagsani ka jiraa, iyadoo xooluhu ay ka imanayaan badi goobaha ku hareeraysan gobolka Togdheer, siduu sheegay Aadan Jaamac Dhunkaal oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ku iibiya saylada Burco. Waxaana maanta xoolaha dhoofka ahi ka marayaan seylada Burco.
Adhi dhoofka
Muunada 1aad = $78
Muunada 2aad = $75
Muunada 3aad = $70
Geela
Aaranka = $370
Qaliinka = $650
Dhanka Saylada magalada Laascaanood ayaa waxaa ka jira xoolo yaraan, siduu sheegay weriyaheenna gobolkaasi Cabdikariin Olol, agagaarka magalada oo roobku ku yaraaday ayaa keentay inay xoolo dhaqatadii ka hayaamaan, taasoo yaraysay xoolihii imanayey seylada.
Magalada Garowe, wasaarada xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa sheegtay in xanuunka Caalka lagu arkay xoolo badan, iyadoo wasaaraduna u dirtay dhulka miyiga ah 150 dhakhaatiir dhinaca xoolaha iyo daawo si ay wax uga qabtaan xanuunkaas.
Dhinaca koonfureed, magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay ku taalo saylad muhiim ahi, ayaan iyana xoolo badani wakhtigaan imaanayn, iyadoo goboladaas koonfur Galbeed roobabkii gu’gu aysan ku badnayn ayaa haddana weli dhulku yahay mid daaqiisu wanaagsan yahay, cooladaha jira iyo jidadkii qaar oo xirmay ayaana saamayn ku yeeshay ganacsigii xoolaha, siduu sheegay Axmed Cabdi oo ka mid ah dilaalayda xoolaha ku iibisa saylada magalada Baardheere.
Magalada Garisa oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya aya iyana waxaa ku taal saylada ugu weyn wadanka Kenya, iyadoo lo’du tahay tan ugu badan ee lagu kala iibsado, siduu Radio Ergo u sheegay Cabdiqani Cabdi Maxamed oo ka mid ah seyladleyda Garisa qiimaha lo’da ayaana hadda aad u sareeyo taasoo ay ugu wacan tahay xoolihii saylada imanayey oo yar iyo dalabaadka ka imanaya gobolada kale ee Kenya oo badan, waxayna lo’du ka maraysay qiimaheedu Garisa.
Muunada 1aad = Kes 45000
Muunada 2aad = Kes 35000
Geela iyo adhiga ayaan iyana saylada ku badnayn iyagoo qaalina ah
Wararkii aan ka helnay saaka saylahadaha xoolaha ee kala gedisani waa naga intaas.
MH