KULAN LAGU HORMARINAYO WAX SOO SAARKA TIMIRTA OO KA DHACAY BOOSAASO.

0
40

Beerashada dhinaca Timirta ayaa ku badan gobolka Bari, iyadoo juquraafiga gobolkaasi yahay mid u dhow samaysan ahaan wadamada carabta taasoo keentay inay Timirtu noqoto mid ka mid ah dalagyada aadka uga baxa gobolka Bari, waana gobota wakhtigaan ugu badan ee Timirtu ka baxdo marka loo eego qaybaha kale ee wadanka.

Heyada horumarinta iyo tababarida beeraha iyo beeralayda JEFO  ayaa soo agaasintay kulan ku saabsan wax soosaarka Timirta, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen gudiyada iskaashatada beeraleyda iyo ganacsatada timirta, waxaana xooga lagu saarayey aqoon korarsiga laxiriirra sidii wada shaqeyn ay udhexmari laheyd beeraleyda iyo dadka kaganacsada timirta, si suuqgeyn wanaagsan loogu hello wax soosaarka beeraha Timirta oo caan ku ah deegaanada Bari.

Bolcaj oo ah qabiir dhinaca arimaha beeraha kana mid ahaa macalimiintii casharada kabixineysey kulankan aqoon korarsiga beeraha ayaa sheegay in waxsoosaarka beeraha ay ku tiirsantahay noolasha bulshada. Wuxuuna u sheegay dadkii kulankaas ka qayb galay inay tahay awooda iyo hanaanka wax soo saarka inay iyagu yeeshaan aysan noqon kuwo ku tiirsan gargaar ay banaanka ka helaan“heyadaha waxyar ayey idin caawinayaan laakiin idinka ayaa la rabaa in aad ka faa`ideysataan fursada oo aad tabcataan timirta wax soosaarkiinana kor u qaadaan.“

Gudoomoiyaha gudiga iskaashatada beeralayda gobolka bari Axmed Maxamed Muumin oo ka hadlay gabagabadii kulumadan looga arinsanaayey sidii suuq geyn wanaagsan logu heli lahaa tacabka wax soosaarka  timirta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan kasiineysa hormarinta beeraha. Isagoona sheegay inay jiraan hay’addo door ah oo ku hawlan horumarinta dhinaca beeraha“waa badan yihiin heyadaha beeraha ku shaqada leh sida FOA, JEFO, WORLD FISH. waxaana ka codsaneynaa in ay naga caawiyaan wixii xirfad iyo aqoon ee dhinaca kasta oo beeraha laxiriira oo aan ubaahanhay“

Agaasimaha wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland Maxamuud Siciid ayaa kula dardaarmey inta uu socdey kulankan beeraleyda timirta beerata in ay sii kordhiyaan waxsoosaarkooda,“runtii dhibaato badan baa beeraleydii ku dhacdey roobabkii da`ayna dhib bey ugeysteen waxaase looga baahan yahay beeraleyda in ay sii wadaan shaqadooda  beeraha“

Beeraha iyo waxsoosaarka dalaga waxa ay kamidyihiin kaabiyaasha dhaqaale ee dalka, inkastoo dhulka Soomaaliya loo tiriyo badankiis dhulbeereed, laakiin wuxuu    ku kala wanaagsan yahay noocyada dalaga, taasoo gobolka Bari noqday goobta ugu muhiimsan wakhtigaan ee geed timireedku sida wanaagsan uga baxo. Xiliyada ay soo go’dana waxaad ku arkaysaa suuqyada timir xadi badan leh oo nooceedu aad u wanaagsan yahay kana soo baxday gobolka oo taal suuqyada, waxaysanse haysan in loo habeeyo hanaan wanaagsan oo loogu iib geyn karo goobo ka baxsan wadanka.

Axmed Somali/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here