Ku dhawaad illaa boqol iyo labaatan ruux oo Soomaali ah kuwaasoo doonayay in ay u tahriibaan xeebaha Yurub ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu qabtay xeebta magaalada Tiripoli ee caasimadda waddanka Libya ,Tahriibayaashaan ayaa goor habeennimo ah waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada xeebaha waddanka Libya xilli ay saarnaayeen dooni ka shiraacanaysay xeebta magaalada caasimadda ah ee Tiripoli.
Muhaajiriintaan oo isugu jiray rag iyo haween dhammaantoodna ahaa Soomaali ayaa loo taxaabay xabsi ku yaala magaalada tiripoli, kaddib marki ay ciidamadu ku daabuleen gawaari qafilan.
“Waxaan joogaa Libya muddo shan bilood ah, waxaanan halkaan u joogaa inaan kaga tahriibo dhankaas iyo waddamada Yurub gaar ahaan waddanka Italy ,sidaana waxaa Ergo u sheegay Cali Xaaji oo ka tirsan Soomaalida laga soo qabtay xeebaha Tiripoli ee doonayay in ay ka tahriibaan halkaasi, Cali ayaa intaasi ku daray in dadka la soo qabtay ay gaarayaan illaa boqol shan iyo toban ruux “ inti aysan na soo qaban ciidamada waxaa noo yimid askari cabsan waxaan uu nayiri waxaan u baahanahay in aad igu wareejisaan gabar ii adeegta oo guriga ii tirtirta, anagana waxaan ku dhahnay macquul maahan gabdhahaan waxay halkaan u yimaden maahan in ay ka shaqeeyaan waxa uu na yiri haddii sidaas aad yeeli waysaan dhammaantiinba waan idin laynayaa, cabaar markii aan meesha ku doodeynay ayaa waxaa noo yimid illaa lix baabuur oo ay ciidama Booliis ah ay ka buuxaan, wax yar kadibna waxaa yimid gawaari qafilan dabadeedna dhammaanteen waxaa nalagu daabulay gawaariddii qafilnayd” ayuu yiri Cali Xaaji.
Cali ayaa intaasi ku daray in ay xabsiga ku soo booqdeen war fidiyeeno waxaan ay na weydiiyeen ayuu yiri su,aalo ku saabsan sababaha aan u tahriibayno,sidoo kale waxaa nagu soo booqday xabsiga ayuu yiri mas,uuliyiin ka socotay Qm , kuwaasoo ciidanka u sheegay in ay noo dhisayaan teendhooyin isla mar ahaantaana ay raashin noo keenayaan.
“Aniga waxaan ka qeyb ka ahaa illaa 12ruux oo ka timid waddanka South afrika qeyb naga mid ah waxaa ay ku jiraan xabsiga magaalada Misraata” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay mid kamid ah dhallinyaradi loo taxaabay xabsiga isagoona intaasi ku daray in ciidamadu ay hadda ka sii daayen xabsiga.waxaana uu yiri waxay nagu yiraahdeen ciddii mar dambe lagu qabtay iyadoo tahriibaysa waxay mutaysanaysaa xarig hal sano ah iyo ganaax lacageed, iyadoona loogu sii darayo musaafurin.
Dabayaaqadii sanadkii tagay ayay ahayd marki in ka badan illaa 70 ruux ay la quustay doonidii ay saarnaayeen gudaha badda mediterranian taasoo ka shiraacatay Tiripoli.
Si kastaba ha ahaatee maamulka cusub ee ka taliya waddankaasi Libya ayaa ku hawlan sidii uu u joojin lahaa muhaajiriinta ka tahriibaya Libya ee ku sii jeedda waddamada Yurub,dhinaca kalena wali waxaa ku sii qulqulaya dalkaasi muhaajiriin doonaysa in ay halkaasi ka baxaan.
AA/MG