Golaha guud ee qaramadda midoobay ayaa si buuxda u taageeray qorshe bishan bilowgeedii ay soo jeediyeen xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qabilsan Soomaaliya ee UNPOS, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD oo dhigayey in talaabooyin adag laga qaado kooxaha iyo shakhsiyaadka ka soo horjeesta tubta nabada ee Soomaaliya.
Go’aankaan ayaa yimid kadib markii hadal dheer uu Augustin Mahiga oo ah u qaabilsanaha xooghayaha guud ee Qm arrimaha Soomaaliya uu ka horjeediyey fadhiga guud ee ka dhacay magaalada New York habeenkii xalay.
Soomaaliya ayaa waxay waqtigaan galaysaa md ka mid ah xilliyadii ugu xasaasisanaa,waxaa dhamaanaya waqtigii KMG “Iyadoo Soomaaliya ay waajahayso fursad aad u weyn, oo lagu dhamaynayo xilliga KMG, kadib maal gelin badan oo bulshada calamka iyo deeqbixiyayaashu ku sameeyeen, waa inaan cidla looga tegin oo dhamaystirnaa” ayuu yiri Augustine Mahiga isagoo hadal ka hor jeedinaya golaha guud ee Qaramada midoobay ee magalada New York, wuxuuna intaas ku daray waa inaan la garab istaagnaa taageerada farsamo iyo dhaqaale si awood Soomaalidu ugu yeelato inay fuliyaan hanaanka tubta nabadda inta ka horaysa bisha August ee sanadkaan, sidoo kalana la mideeyaa talaabooyinka iyo agaasinka bulshada caalamka ee arintaan ku aaddan.
Wadanka ayaa hada waxaa ka dhisan nidaam KMG kaasoo tubta nabaddu hada yahay wado lagu soo afjarayo, hanaankaan Roadmapka oo la jeexay bishii September ee sanadkii tegey waxaana bulshada caalamku quud daraynaysaa in hanaanka tubta nabada la dhamaystiro ka hor 20 bisha August ee soo socota.
“Dhaqaale la’aanta haysata sidii loo fulin lahaa road mapka ayaa ah khatarta ugu weyn ee saddexdaan bilood ee soo socota, annaga iyo dawladda KMG na hor taagan, dhaqaale xumidaas oo wakhtigaanba hakisay hawlaha qaar ayuu yiri Mahiga,isagoona digniin u jeediyey kuwo uu ku tilmaamay qas wadayaal oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin tubta nabadda.
Bishaan billowgeedii ayaa xafiiska siyaadda Qm,Soomaaliya UNPOS, Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM iyo urur goboleedka IGAD waxay digniin adag u soo jeediyeen dad ay ku tilmaameen inay khatar ku yihiin tubta nabadda iyagoona ugu goodiyey inay saaryaaan cuno qabateyn iyo xanibaad dhinaca socdaalka in lagu soo rogi doono kooxdii ama shakhsiyaadkii is hortaaga tubta nabada.
Mahiga ayaa sheegay in golaha guud in bilaha dhiman ay xooga saari doonaan dhamaynta nidaamka KMG, si taas loo gaarana loo baahan yahay in la dar dar geliyo arrimaha wacyi gelinta bulshada iyo baritaanka hanaanka nabada bulshada Soomaaliyeed.
U qeybsanaha Qm ee arrimaha Soomaaliya Mahiga ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shir dawlada Turkigu ay marti gelin doonto loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkaasi Istambuul ayaa waxa lagu qeexdi doonaa tubta wadanka ku yaala geeska afrika ee Soomaaliya
War saxafadeed golaha guud ka soo saaray hadalkaan kadib ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey warbixinta iyo talaabooyinka horumarineed ee loo qaaday sidii loo soo afjari lahaa hanaanka Kmg waxaana goluhu siiyey teegeero buuxda. Isagoona goluhu ugu baaqay hogaanka Kmg iyo dhammaan saxeexayaashii tubta nabadu inay laban laabaan dadadaalkooda si loo dhamaystiro qorsha tubta nabadda ayna ka qayb galaan ururada haweenka iyo bulshada rayadka, sidoo kalena wuxuu goluhu walaac ka muujiyey kooxaha carqaladaynaya hanaanka qorshaha tubta nabadda ee ka socda Soomaaliya.
Golahu waxa uu si buuxda u taageeray go’aankii AU, Igad iyo xafiiska Unpos ee ku aaddanaa in talaabo adag laga qaado kooxaha iyo shaqiyaadka carqaladda ku ah hanaanka geedi socodka siyaasada Soomaaliya, sido kalena wuxuu golugu si adag ugu sheegay warbixintaan inay tahay bisha Augusto inuu dhammaado xilliga Kmg.
Xaaladaha ciidan iyo ammaan ee Soomaaliya ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo ilaa sanadkii ina dhaafay ay Muqdisho gacanta ku hayeen ciidamada dawladda oo kaashanaya kuwa AMISOM , kaddib sanado badan oo ahayd goob lagu hardamo. waxaa dhaca qaraxyo , welina waxaa jira dilal joogto ah taasoo ka dhigaysa magaalada goob weli ammaankeedu uusan cago badan ku taagnayn, dawladda bedeli doonta tan KMG.
Si kastaba ha ahaatee Warbixintaan ka soo baxday golaha ammaanka ee Qm ayaan lagu soo qaadin haba yaraatee khilaafka ka dhex taagan Soomaalida ee dhianca Dastuurka iyo hannaanka nabadda.
MH/AA/MG