WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERTAY GOOBO AY KA JIREEN CAAFIMAAD DARRO

0
94

Madaxa dawaynta iyo ka hortagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Cabdikariim Xuseen Xasan ayaa sheegay in kooxo caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland ay kormeero ku saabsan daweyn iyo ka hortagid cudurka Duumada ay ku tageen degmooyin hoos yimaada gobollada Nugaal iyo Mudug.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay madaxa daaweynta iyo ka hor tagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka Puntland idaacadda Ergo ayuu ku sheegay in ujeeddada koowaad ee kormeerkoodu ay ahayd wax ka ogaanshaha xaaladda cudurka Duumada,waxaan bixinnay dawooyin ku saabsan ka hortagga cudurka Duumada kuwaasoo aan siinnay caruurta da.doodu ka hooseyso shanta sano,iyo hooyooyinka ,waxaanana marnay melo badan oo ay ka jiraan xaalado banii,aadaminimo iyo xaalado caafimaad darro,runtii dawooyin ayaanan ka qaybinnay dhammaan goobahaasi.

Dhinaca kale, madaxa ka hortagidda iyo daaweynta cudurka malaariyada Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay in qorshaha kooxdaan dhakhaatiirta ah uu ku aaddanaa in gobollada Nugaal iyo Mudug oo ah dhul hawd ah ay ka bixiyaan daawooyin, isagoona sheegay in ay jiraan baahiya dhanka caafimaadka ah oo ay tabayaan gobollada kale ee Puntland.

“Degmooyinka aan tagnay waxay isugu jireen kuwa leh xaruma caafimaad iyo kuwa aan lahayn, dadka reer guuraaga ah waxaa saamayn xooggan ku leh xanuunka Qufaca” sidaana waxaa Ergo u sheegay Cabdikariin Xuseen Xasan madaxa daweynta iyo ka hor tagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka Puntland isagoona intaasi ku daray in degaanadii ay soo mareen aysan ku soo arkin caruur u geeriyootay xanuunadaasi balse waxaa uu sheegay in dadku ay cabanayeen cudurka Jadeecada.

Dhanka kale Qaar ka mid ah dadka degaanka oo ay la xiriirtay idaacadda Ergo ayaa sheegay in ay jiraan caruur u geeriyootay cudurada Shubanka iyo jadeecada.

Ugu dambayntii Madaxa ka hortaga iyo daweynta cudurka duumada wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadka reer miyiga ah ay si diiran u soo dhaweeyeen kooxdaan caafimaad ee booqday deegandooda waxaana uu tilmaamay inay baahi u qabeen in wasaaradda caafimaadka Puntland ay xarumo caafimaad ka hirgaliso dhulka ay joogaan. Si ay u yaraato dhimashada badan ee soo waajahda sanad walba caruurrta ka yar shanta sano.

Maxamed Cabdullahi Kooshin/AA/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here