Qaar ka mid ah bukaanada ku nool xerooyin barakacayaal oo ku yaala duleedka waqooyi ee degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa helay deeq dawooyin ah oo uu soo gaarsiiyay kaasoo ay sheleen Ngo, maxalli ah oo lagu magacaabo Geello.
Bukaanadaan helay daryeelka caaafimaad oo kor u dhaafaya illaa 250 ruux ayaa waxa ay ku kala nool yihiin xerooyin barakacayaal oo ku yaala duleedka waqooyi ee magaalada Beledweyn,gaar ahaan xerooyin ay ka mid yihiin Buula xuubey,Bilisdiid,iyo bullo qorrax,
Kooxo hawl wadeeno caafimaad oo guur guura kana tirsan Ngo,-gan ayaa booqanayey maalmihii la soo dhaafay xeryahaasi iyagoo adeeg caafimaad u fidinayay dhammaan dadka xannuunsan ee ku nool xerooyinkaas.
“Daawadan hadda gacanteyda ku jirta ayaa la i siiyey, waxaan ka xanuunsanayey kelyaha, dhabarka, ubucda iyo lafahaoo idil ,sidoo kale jug ayaan horay u qabay , xannuunkan mid hore ayuu ahaa muddo badan ayuuna igu soo kici jiray alxamdulillaah taqaatiirta ayaan u sheegay xanuunkayga intaa kaddibna daawadaan ayay I siiyeen” sidaana waxaa Ergo u sheegay Gacalo Muxumed Cabdi oo ka tirsanayd bukaanadii nasiibka u yeeshay in loo fidiyo daryeelka caafimaad, Gacalo ayaa intaasi ku dartay in arrintaani ay tahay fursad aad u weyn oo ay heleen bukaanada barakacayaasha ah eek u nool duleedka waqooyi ee degmada Beled weyn ee gobolka Hiiraan.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helo dawadaan aniga iyo gabadhayda maxaa yeelay in muddo ahba waan xanuunsanaynay waa sharoobooyin iyo kaniiniyaal waxaa nasiisay hay,addaanwaana uga mahadcelinaynaa sida ay noo saacideen sidaana waxaa Ergo u sheegtay mid kamid ah hooyooyinka ku nool xerada barakacayaasha ee Buulo qorrax ee ku taala duleedka degmada Beledweyne.
Mid kamid ah kalkaaliyaashii caafimaad ee ku hawlanaa baaritaanada bukaanada barakacayaasha oo lagu magacaabo Deeqo Muxumed Garaad oo la hadlaysay idaacadda Ergo ayaa sheegtay in xanuuna kala duwan ay ka heleen bukaanada kuwaasoo isugu jira sida ay sheegtay infection,indho caabuq,nafaqa darri,cudurada ku dhaca maqaarka,iyo kuwa kale, iyadoona sheegtay in nadaafadda xerooyinka ay ku nool yihiin bukanadaasina ay tahay mid aad u hooseysa.
Waa markii ugu horreysay ee ay bukaano ka tirsan barakacayaasha ku nool xerooyink ku yalka duleedka degmada Beled weyne ay helaan daryeel caafimaad iyo dawooyin kuwaasoo ay soo gaarsiiyeen qaar kamid ah ururada waddaniga ah ee ka jira gobolka Hiiraan, xeryahaan ay ku jiraan barakacayaasha ma laha bukaan eegtooyin iyo xaruma kale oo caafimaad, waxaana middaani ay u noqonaysaa fursad muhiim u ah xilligaan in ay helaan barakacayaasha gaar ahaan kuwooda la il daran xanuunada kala duwan.
Cabdullaahi Salaad/AA/MG