Cadaado oo laga mamnuucay ceel-biyoodyada afka bannaan

0
41

Ka dib markii roobab khasaaro naf iyo maalba leh ay ka da`een degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa maamulka degmadaasi wuxuu ku amray milkiilayaasha ceelal-biyood gacmeedyada ku yaalla degmadaasi inay muddo 15 maalmood gudahood ay ku aasaan ceelashaasi ama ay afka ka xiraan, si  ay u yaraato khatarta ka soo gaari karta dadka iyo duunyadaba.

“Waxaan amarkan soo saarnay ka dib markii aan aragnay in ceelashan afka bannaan ay ku baaba`een dad iyo duunyo, ceddii qaadan weysa amarkan oo muddo 15 maalmood ah ceelkeeda afka uga xiran weyda annaga ayaa aaseyna ceelashaasi, ceddii lahaydna tallaabo ka qaadeyna.” Sidaa waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka  degmada Cadaado Cabdullaahi Cumar Geesey Gurey.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in khatarta ceelashaasi ay daba socdaan baraagaha la qodo ee aan afka laga daboolin iyo godadka dhaadheer ee suuliyada loo qodo, kuwaasoo laftigoodu sababi kara in xilliyada habeenkii ee mugdiga ah ay ku dhacaan dad da` ah ama carruur.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 70 ceelal-biyood gacmeedyo oo qaarkood ay yihiin kuwo af-bannaan kuna yaalla hareeraha waddooyinka, taasoo ay halis ugu jiraan dadka iyo xoolahaba inay ku dhacaan.

Maalintii khamiistii ayaa waxaa mid ka mid ah ceel-biyoodyadaasi ku geeriyootay gabar dooneysay inay xareedda roobka dhaansato, balse ay ku dhacday ceel af-bannaan.
Dadka ku dhaqan Cadaado ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu maamulka degmadaasi ku mamnuucay ceelasha afka bannaan.

Cumar Xabeeb Nuur (Teacher)/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here