Wiil sagaal sano jir ah oo qaba xanuun dalka gudihiisa wax looga qaban waayay oo ay isaga iyo qoyskiisa oo sabool ah ku nool yihiin magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayay xaaladdiisa caafimaad kasii dareysaa, oo waxay hadda mareysaa meel halis ah oo nolol iyo geeri u dhaxeysa, haddaanu si deg deg ah ku helin kaalmo caafimaad oo bannaanka ah, sida ay waalidkiisa Ergo u sheegeen.
Ilmahaan yar oo lagu magacaabo Cabdi-Maalik Cabdi Maxamed ayaa haddii meel ka mid ah jirkiisa wax yar uu ka gaaro dhiigna dibadda uga soo baxo waxay taasi ku keeneysaa in dhammaan wax allaaliyo wixii dhiig jirkiisa ku jiro uu dibadda u dhamaado, iyadoo lagu qasban yahay in lagu shubayo dhiig kale oo hor leh si uu u sii noolaado.
Waxaa dhacda mararka qaar in muddo bil gudaheeda ah uu waqtiyo isxig xigta uu dhiig baxo, maxaayeelay xitaa haddii isaga oo cadayanaya uu dhiig ka yimaado ciridkiisa ama halka ay iska haystaan ilkaha iyo ciridka ama ay qodaxi muddo iyo xitaa haddii ay wax yar oo xagtin ah ama sariin ah ka gaaro maqaarka waxaa furanaya dhiig aan lacelin karin, xitaa haddii goob caamifaad la geeyo. Keliya dhaqaatiirtu waxay u sameeyaan dhiig ku shubid.
Sida ay waalidkii sheegeen waxaa hadda bukaanka laga joojiyay ilmo la cayaarka iyo dugsigiisii waxbarashada, si loo ilaaliyo caafimaadkiisa.
Aabbaha dhalay ilmahaan jirran oo Ergo la hadlay ayaa sheegay inay xanuunkani ku arkeen wiilkooda markuu ahaa shan bilood jir, xili laga goynayay dalqo, kolkaasi oo ay suurta geli weysay in la joojiyo dhiiggii ka baxayay, hase ahaatee wuxuu intaasi raaciyay inuu hadda keenay inuu muddo bil gudaheeda ah uu dhiig baxo, iyaguna aaney awoodin iney u helaan markasta dhiig lagu shubo, taasoo sida uu sheegay ay marar badan caqabado ad adag kala kulmeen.
Cabdi Maxamed, waa aabbaha wiilkan yar ee xanuunsan, wuxuu sidoo kale sheegay inay yihiin sabool aan xitaa soo kasban karin nolosha qoyska, xanuunka canuggiisa haystana lagu wargeliyay in haddii la geeyo dalalka qaar oo bannaanka ah ay suurtagal tahay in loo helo xal cudurkiisa, sidaas darteedna uu ka dalbanayo cid walboo wax tari karta iney soo maciinto.”Canuggaan dhibaatada haysata waa dhiiggiisa oo aan lahayn wax xinjir ah, marka haddii wax yar oo dhiigga uu ka yimaado jirkiisa, dhiigga ku jira jirkiisa dhammaan wuu ka baxayaa. Xanuunka haya dadka Kenyan-ka ah ee qaba waa dhowr iyo toban, laakiin Soomaalida keyga ayaa afar ku ah, marka waxaa leygu yiri canuggaaga haddii la geeyo waddamada qaar waa la daweyn karaa, ee waxaan ka codsanayaa dadka naxariista badan ama wax gargaara iney soo caawinaan” ayuu yiri aabbaha dhalay wiilkaas yar ee cimrigiisoo dhan u noqday dhibbanaha xanuunka haya.
Gobolka Afka Soomaaliga looga hadlo ayaa marar badan lagu arkaa dadka saboolka ah ee ku nool iyagoo qaba xanuunno meesha ay u dhasheen ee ay ku nool yihiin wax looga qaban waayay, sababo la xiriira dhaqaatiirta, qalabka caafimaad iyo daawooyinka cudurrada qaar oo aad ugu yar, taas ayaana keenta inay dhibbanayaashu dalbadaan kaalmo caafimaad oo ay ka helaan meel ka duwan halka ay joogaan.
Intaas waxaa raacsan oo jirta in bukaanada dalka gudihiisa wax looga qaban waayay xanuunkooda ee helay kaalmo caafimaad oo bannaanka ah ay in badan oo ka mid ah bogsoodeen, halka qaar kale oo ay u sura geli weysay iney fursadahaasi oo kale helaan ay buktadoodii u dhinteen ama wali la il daran yihiin.
Nuur Cali Faarax/FM