Maamulka xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku jirta xabsigaasi, isagoo maamulku uu sheegay in xaalado wanaagsan ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta halkaasi.
Xabsiga dhexe oo ay xilligaan ku jiraan maxaabiis qiyaastii gaaraysa illaa sagaal boqol oo maxbuus ayaa siddeed boqol oo ka mid ahi waxay yihiin rag, halka inta soo hartayna ay yihiin haween. “Maxaabiista halkaan ku xiran waxay isugu jiraan kuwo loo haysto dambiya waaweyn iyo kuwa galay dambiyo yar yar, waxaana xukunadoodu isugu jiraan oo ay ku kala xukuman yihiin dil,xabsi daa`in , xarig u dhexeeya 10-sano, 20-sano iyo 5-sano sano.” Sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Gaashaanle sare M axamed Xasan Axmed oo isagu ah taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in xabsigu uu yahay mid duugoobay, isagoo sheegay inuu u qeybsan yahay illaa laba qeybood, qeybta hore waxaa la dhisay ayuu yiri qarnigii 18-aad halka qeybta labaadna la dhisay qarnigii 19aad, waxaana uu sheegay in xabsiga mas`uuliyaddiisa ay gacanta ku hayaan ciidamada asluubta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.‘’Aniga waxaa la igu xukumay illaa labaatan iyo shan sanadood oo xarig ah, nolosheyduna waa iska wanaagsan tahay mana jiraan wax dhibaatooyin ah oo aan kala kulmay halkaan.” sidaa waxaa Ergo u sheegtay Ikraam Cumar Maxamed oo ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee Muqdisho waxaa ka mid ah Xasan Salaad Xasan (lucky) oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho, isagoo u warramayay Raadiyo Ergo wuxuu sheegay Xasan in si wanaagsan ay ula macaamileen hawl wadeennada xabsiga muddadii uu xirnaa, isagoo sheegay in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay tahay heer sare “saddexda xiili waan cuntaynaa mana jiraan baahi aan qabno, marka laga reebo xorriyaddeenna oo aan dib u helno” ayuu yiri weriye Xasan Lucky.
Siyaabo kala duwan ayay ku xiran yihiin maxaabiista ku jirta jeelka dhexe ee magaalada Muqdisho, dadka ku xiran sidoo kale waxaa ka mid ah haweeney lagu magaacaabo Khadiija Maxamed Maxamuud oo iyadu u sheegtay idaacadda Ergo in la soo xiray iyada iyo walaalkeed ka did markii wiil walaalkeed ah uu dilay nin kale isla markaana uu baxsaday “Waxaan u xirannahay aniga iyo walaalkeyba dil uu geystay wiil nala dhashay, kaasooo baxsday markii uu dilka geystay.” ayay tiri Khadiija, iyadoona intaasi ku dartay in xaaladdooda caafimaad iyo midda nololeedba ay aad u wanaagsan tahay.
Qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa Ergo u sheegay in xaaladdooda waxbarashada iyo dhaqankuba ay si weyn isu baddashay dadkaasi, waxaa ka mid ah maxaabiistaasi Fardowsa Axmed Faarax oo iyadu sheegtay in muddo lix bilood ah ay xabsiga ku jirto isla mar ahaantaana ay baratay xifdinta qur`aanka Kariimka ah, waxay sheegtay in aabbeheed uu soo xiray laguna soo eedeeyay caasi waalidnimo.
Mar sii horreysay ayay ahayd kolkii shaqaaqo ay ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, ka dib markii maxaabiis ku jirtay jeelka ay damceen inay baxsadaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maxaabiis ay ka baxsatay jeelka, haddaba taliyaha guud ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in aanay jirin cid ka baxsatay jeelka, balse isku day arrintaasi la xirrirta ay dhacday shaqaaqadii ka dhalatayna ay sababtay in laba ka mid ah maxaabiistu ay u geeriyoodaan dhaawacyo soo gaaray, Jeneraalka ayaa intaas ku darayt in xabsiga ay ka jirto nolol aad u wanaagsan sida midda guryaha caadiga ah oo kale “Saddexda waqti maxaabiistu waxay helaan raashin wanaagsan ,waxaana caafimaadkooda gacanta ku haya takhaatiir Turki ah.” Ayuu yiri taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil .
Taliyaha ayaa ugu dambayntii sheegay in xabsiga ay gancanta ku hayaan ciidamo ku takhasusay dhaqanka maxaabiista, kuwaasoo uu sheegay in qaarkod ay haystaan Khibrad gaaraysa illaa afartan sano.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/AA/FM