Xaalado adag ayaa ka jira xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Nairobi ee Islii, ka dib markii halkaasi habeennimadii Isniinta ay kooxo hubeysan boob u geysteen dukaamo ay lahaayeen dadka Soomaalida ah ee ku nool halkaasi.
Dukaamada ay dhaca u geysteen kooxahaasi hubeysan ayaa waxay gaarayaan illaa dhowr dukaan kuwaasoo la sheegay inay ku yaallaan xaafadda Islii gaar ahaan halka lagu magacaabo Maash oo ka mid ah goobaha ugu badan ee ay ku ganacsadaan ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan arkay qeybta hore ee dukaanka oo haawaneysa, albaabkii xoog ayaa lagu jebiyay wax alaab ah oo haba yaraatee yaalla gudihiisa ma jiraan, wuxuu ahaa dukaankaasi mid camiran oo lagu iibin jiray dhar iyo agabyo kale” sidaa waxaa Ergo u sheegay Maxamad Wali Aadam oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee ka shaqaysa suuqa Maash ,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale indhihiisa uu saaray dukaan kale oo uu lahaa saaxiibkii oo isna ay dhaceen tuugadu.
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa isku soo baxay dadweyne aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo ay qeyb ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii, waxaana ay dhammaantoodba soo dhoobteen waddooyinka waaweyn ee gala suuqyada ay Soomaalidu ku ganacsato ee ku yaalla xaafadda Islii, badanaa dukaamadu way xirnaayeen, waxaa waddooyinka lagu gooyay dhagxaan, ma jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya waddada koowaad ee xiriirisa xaafadda Islii, dadku koox koox ayay u taaganyeen dariiqyada, waxa ugu badan ee ay iska wareysanayeen waa boobka xilliyadii ugu dambeeyay ay kooxaha hubaysani ka geysanayeen xaafadda Islii.
“Kooxahaani waxay caadeysteen inay had iyo jeer dhacaan dukaamadeenna mana ahan markii ugu horreysay ee ay dhacaan goobaheenna ganacsiga, burcaddaasi way na barteen waxay sitaan qoryo Ak47 ama kalshnikof,qaarkood waxay sitaan Bistoolado, nooma suura galayso xitaa haddii aan aragno inaan iska celinno waayo way hubaysan yihiin, sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Cumar Boodaaye oo ka mid ah ganacsatada suuqa Amal ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Muddaaharaad aan rabshado wadan oo si nabdoon ku dhacay ayay barqanimadii abaabuleen ganacsatada Soomaalida Islii, kaasoo dadku ay socod ku soo mareen illaa waddada dheer ee lagu magacaabo 12-ka, dadka mudaaharaadka ka qeyb galayay ayaa iyagu ka codsanayay dowladda Kenya in y wax ka qabato kooxaha hubaysan ee caadaystay inay dhacaan goobaha ganacsiga Soomaalida ee Islii.
“Waxaan ka codsanaynaa dowladda Kenya inay wax ka qabato burcadda iyo tuugada boobeysa xoolaheenna”ayay ku dhawaaqayeen dadka isugu soo baxay dibadbaxaasi oo ku soo dhammaaday si nabad ah.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, xildhibaan Yuusuf Xasan oo soo gaaray goobta dibadbaxu ka soconayay ayaa Soomaalida kula hadlay suuqa Amal isagoo uga tacsiyeeyay boobka loo geystay hantidooda .
“Waxaan idiin sheegayaa in aan Baarlamaanka hordhigi doono dhibaatadaan aad ka cabanaysaan, hadda ka horna waan gaarsiiyay, insha Allah wax weyn ayaana laga qaban doonaa, idinkana ilaaliya xasiloonida iyo ammaanka” sidaana waxaa yiri xildhibaan Yuusuf Xasan oo ugu dambayntii ku ammaanay dadka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen dareenkooda iyo dibadbaxa nabadda ah oo ay sameeyeen, waxaana ugu dambeyntii uu sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska waddooyinka burbursan ee dhex mara xaafadda Islii.
Bishii Febraayo ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii kooxo burcad ah oo gaaraya illaa saddex ay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay ku dhex toogteen xaafadda Soomaalidu degto ee Islii, kuwaasoo la sheegay inay dhacayeen goobo ganacsi isla markaana la sheegay in ciidamada ammaanku ay ku daba jireen.
Falalka dhaca iyo boobka hubaysan ee ay kooxaha hubaysani ka gaysanayaan xaafadda Soomaalidu degto ee Islii ayaa muddooyinkii dambe u muuqanayay kuwa soo badanayay, iyadoo mar sii horreysay goobo ganacsi oo intaan ka badan kuwaasoo ay leeyihiin Soomaali ay kooxo hubaysani boobeen.
AA/FM