Home Barnaamijka Maanta Muhiimadda ay nolosha qoyska u leedahay barista gabdhaha gargaarka degdegga ah

Muhiimadda ay nolosha qoyska u leedahay barista gabdhaha gargaarka degdegga ah

0
84

Muhiimadda ay leedahay wax barista gabdhaha gaar ahaan dhinaca kalkaalisanimada iyo daryeelka ayaa ah mid ka qaadan karta in bulshadu ay ka dhisanto dhinacyo badan, taasoo sababi karta inay yaraato cudurrada faafa, nafaqa darrida iyo guud ahaan fayadhowrka korna u qaada heerka nolosha aasaasiga ah.

Magaaladda Boosaaso waxaa ka furan xarumo waqtigan lagu tababaro da`yarta xooggana lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka tacliinta gaar ahaan adeegga guud ee caafimaadka ee kalkaalisanimada, nafaqaynta iyo farsamooyinka casriga ah ee tiknolojiyadd.

Machadka tababarka Al-Xayaat ee magaalada Boosaaso wuxuu ka mid yahay goobahan iyadoo hadda ay dhigtaan arday u badan gabdho, ayuu siduu Raadiyo u sheegay maamule ku xigeenka xaruntaani Cabdillaahi Cabdi Jeelle inay tahay waxyaabaha aasaasiga u ah qoyska in gabdhaha la baro kalkaalisanimo, hababka looga hortago nafaqa darrida iyo adeegyada la halmaala faya qabka.

“Machadkaan waagii aan aasaasnay waxaa badnaa dhigan jiray wiiilasha, haddase waxaa u badan gabdhaha oo barta dhinaca nafaqaynta iyo kalkaalisanimada, waxyaabaha aan barnana waxaa ugu waaweyn, nafaqaynta, nafaqa darrida iyo siyaabaha loo sameeyo naas nuujinta, runtiina ay arkeen muhiimadda ay leedahay arrintaani”

Tacliintaan ayaa u muuqata mid wax ka taraysa sidii bulshadu waxbadan ay uga faa`iidsayn lahayd, siday sheegtay Aamina Abdillaahi oo ah hooyo haysata 4 carruur ah, horayna u baratay adeegga caafimaad ee aasaasiga ah.

“Anigu saddex sano ka hor ayaan muddo saddex bilood ah bartay adeegyada gurmadka deg degga ah iyo sida loo maamulo nafaqa darrida, waxaanan runtii markii hore u bartay inaan ku helo shaqo, haddase waxay iga anfacday inaan gurigayga ku maamulo waayo shaqo ma helin, haddana waxaan ahay guri joogto xaas ah, waxaanse ku guulaystay inaan si hagaagsan u maamulo gurigayga iyo carruurtayda anigoo si hufan u maamulay fayo qabka carruurtayda iyo qoyskayga”

Dr. Cabdilalaahi Siciid Aw-Muuse oo ah agaasimaha isbitaalka guud ee Boosaaso ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in cudurrada ugu badan ee dadka deegaanka ku dhaca ay yihiin kuwa carruurta ku dhaca, ee dhinaca nafaqa darridda, iyagoo sheegay in sanadkii 3000 oo carruur ah oo nafaq darri ba`ani hayso lagu daaweeyo  isbitaalka guud ee Boosaaso.

Dadka ay la soo deristo dhibaatada dhinaca nafaqa darrida ayaa u badan dadka ku jira xeryaha lagu barakacay iyo kuwo dan yarta ah oo iyagu ay yartahay awooddooda dhaqaale.
MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here