HUMAN RIGHTS WATCH oo eedeysay booliiska kenya

0
137

Hay`adda  xuquuqda aadanaha ee  Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay booliiska  waddanka Kenya in xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda  aadanaha ay kula kaceen boqollaal Kenyan ah  iyo ilaa boqol qof oo qaxooti Soomaali ah  kuwaas oo ay hay`addu sheegtay in la garaacay oo loo geystay tacaddiyo iyo gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha .

Human Rights Watch waxay sheegtay  in dhacdooyinkaas ay booliiska Kenya  uga jawaabeen weerarro ka dhan oo ay qaadeen kooxo lala xiriirinayo Al-Shabaab ka dib markii ciidamada Kenya ay u tallaabeen soohidinta dhinaca Soomaaliya.

Goobaha ay falalkaasi ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka  Gaarisa, Wajeer, iyo Mandheera, iyo sidoo kale  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab  halkaa oo ay booliisku ka geysteen gaboodfallada ugu daran oo ay ka mid ahaayeen kufsi, isku day weerar kufsi, garaacid, xarig, baad, dhac iyo burbur hanti.

Warbixin ay soo saartay hay`adda Human Rights Watch ayay ku sheegatay in lix bilood ka dib dhibaatooyinkaas lagula kacay dadkaasi aan cidna loo soo qaban.

Neela Ghoshal, oo iyadu ah  cilmi-baare ka tirsan Human Rights Watch ayaa idaacadda Ergo uga  warantay warbixinta ay soo saareen waxyaabaha ay ka kooban tahay waxaana wareystay wariye Maxamad Gaarane oo ka tirsan Ergo waxaana uu marka hore weydiiyay  warbixinta ay soo saartay Human Rigthts Watch waxa ay ka kooban tahay ?

Jawaab :- “Haa warbixintaan aan soo saarnay waxay ku saabsan tahay  tacaddiyo ay gaysteen ciidamada xoogga Kenya iyo booliiska Kenya oo ay kula kaceen dadka asalkoodu uu yahay Soomaalida ee ku nool gobolka Waqooyi bari ee Kenya, waxaanu ogaannay muddadii u dhaxaesay  bilihii November 201-kii illaa iyo March sanadkan  inay jireen kiisas dhowr ah oo ciidamadu ay garaaceen,  kufsadeen  ama ay si  xun ula dhaqmeen Soomaalida, kuwaasoo isugu jira kuwa Kenyan ah iyo kuwa qaxootiga ah ,kuwaas waxaa badanaa ay jawaab u ahaayeen weeraro ka dhacay degaanadaas, sida weeraro bambaanooyin iyo walxaha qarxa oo laga gaystay magaalooyinka Gaarissa, Wajeer, Mandheera iyo Dhadhaab, dhibaatada aanu aragnay waxay ahayd baddelkii la qaadi lahaa howl ku habboon oo dhinaca sirdoonka ah si loo ogaado dadka mas`uulka ah weerarradaas, oo loo xir xiri lahaa  oo cadaaladda la  keeni lahaa, ciidamada ammaanku waxay hareereynayeen qof walba oo ay arki kareen, badanaa iyagoo garaacaya.”

Su,aal:- Mala kulanteen, oo ma wareysateen dadka dhaawacyada  muuqda loo geystay, haddiise  aad aragteen tiro rasmi ah manoo sheegi kartaa?

Jawaab:-“Haa, waxaanu oran karnaa tirada dadka la garaacay, gaar ahaan muddadii u dhaxeysay bilihii November illaa Jannaayo waa ugu yaraan 200 oo qof markii aad isku darto dhammaan kiisaska ka dhacay magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer. Tiradii ugu badnayd ee dhaawacyada ah ee aan keydinnay waxaa ugu badnaa dhowr  kiis oo ah dad lafaha ay ka jabeen, mid gacanta ay dillaacday, mid ay faraha hore ay jaban yihiin. Waxaanu sidoo kale aragnay haweeney, ayeeyo ah oo wajeer joogta, waxay qabtay qallal ka hor inta aan la garaacin, marka waxaa dhacay December ciidamada ayaa waddada ku jiiday haweeneydaasi  wayna garaaceen, arrintaas darteed waxaa ku soo kacay qallalkii  ay horay u qabtay waxaana ay jiiftaa sariirta oo xilligaan lagu quudinayo, arrintaani  saamayn weyn ayay ku yeelatay  nolosheeda, Wajeer waxaan sidoo kale aan ku aragnay nin garka ka jabay, waxaan aragnay tirooyin kale oo xitaa bilo ka dib garaaciddii loo geystay ay  ku reebeen astaamo ama nabrro, kuwaas waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu daran, Dhadhaab waxaa jiray kiis, ugu yaraan hal dumar ah , mid kalena waan maqalnay laakiinse innaga waxaan wareysannay mid ka mid ah haweenkaas  taa oo ay  kufsi  kula kaceen ciidamada, illa iyo haddana waxay tahay ruux  aad u niyad jabsan.”

Suaal:-Waxaad warbixintiinna ku soo qaaddeen dhac iyo bur bur hantiyeed, maxaad kala jeeddaan kuwaas?.

Jawaab:- “Tan waxay ka dhacday Dhadhaab, dhadhaab waxaa ka dhacay saddex qarax bishii December 2011, mid wuxuu dhacay 5-tii December, mid 19kii, mid 20kii, kuwaas waxaa lagu beegsanayay booliiska, dabcan weerarradaas waxa ay ahaayeen kuwa maskaxda dhib ku ah, HRW,na waa ay cambaaraynaysay weerarradaas laakiinse waxaa aan ka walaacnay waxa ay ahaayeen sida ay bileyska uga jawaabeen, wixii aanu ogaanayna ka dib weerarkii saddexaad markii uu dhacay December 20keedii, bileyska waxa ay weerar qorshaysan ku  qaadeen qaxootiyada ku nool xeryaha  Ifo iyo Xagardheer, waxay ku socdeen guri guri, dukaan  dukaan, waxayna dhacayeen wax walba oo ay arkeen. Waxaan wareysannay  guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya  Faarax Macallin oo deegaankaas ka soo jeeda, wuxuuna ogaaday in alaab lagu qaddaray 38 Milyan oo Shillin lagu dhacay weerarradaasi , sidoo kale waxaan wax ka weydiinnay aarrimahaasi  qaxootiga oo noo sheegay sida ay booliiska u soo galeen guryahooda oo ay ku burburiyeen wax kasta”

Su,aal:- Ugu dambeyntii , Maxaad arrintan hadda shaaca uga qaaddeen waayo sida aad warbixintiina ku sheegteen lix bilood ka hor ayay dhaceen, maxaad mar hore u soo bandhigi waydeen?

“Hagaag, illaa intii ay billowdeen  tacaddiyadan, daboolka ayaanu ka qaadaynay  sidaa darteed bishii November waxaanu soo saarnay war saxaafadeed, warqad ayaanu sidoo kale u qornay wasaaradda gaashaandhiga, inagoo ogaysiinayna  wasiirka in  waxani ay dhacayaan, marnaba jawaab kama aanu  helin , Bishii Jannaayo waxaanu soo saarnay war saxaafadeed kale markaas waxaanu  jawaab ka helnay wasaaradda gaashaandhigga  taasoo ah in wasaaraddu  ay dhistay koox baaritaan ku samaysa gaboodfallada, kooxdaas waxay qabteen xoogaa shaqo ah, waxay tageen wajeer. Gaarissa iyo Mandheera si ay u soo wareystaan qaar ka mid ah dhibanayaasha, waxayna noo sheegeen in haddii cid goonni ah lagu helo dambiyadaas ay maxkamad ku qaadi doonaan laakiinse muddo lix bilood ah markii ay falalkaas dhaceen illaa hadda ma anan arag saraakiil dambi lagu soo oogay, oo maxkamad la soo taagay, dhinaca bileyska ma jirto caddeyn la xiriirta inay sameeyeen wax baaritaanno ah oo la xiriira arrimahaan iyo inkale, marka sababta aanu u soo saarayno warbixintan xilligan waxa ay tahay inaan u jeedino ciidamada amaanka inay si buuxda u baaraan dambiyadan, inay macluumaadkooda soo bandhigaan iyo in dambiga ay leeyihiin lagu qaado sarkaal kasta oo lagu helo dambi. hadda dambiyada hoos ayay u dhaceen laakiinse arrimahan la xiriira dagaalka soomaaliya xilli kasta ayay dhici karaan  waana inaan saraakiisha ku lug lahaata dambiyadan aysan  baxsan mustaqbalka”.

Su,aal:- Ma umalaynaysaa in arrimahan aad soo qaaddeen, ay dadka qaxootiga ee doonayay inay Kenya u tallaabaan saamayn ku yeesheen, sida inay dad ay laabtaan amaba kuwa doonayay inay soo tilllaabaan ay cabsi darteed la nagaadeen?

Jawaab:- “Xaqiiqdii, waxay tani  sababtay cabsidii ugu darnayd , waxaa jiray warar aan badnayd oo sheegayay inay jireen dad arrimahan dartood dib ugu laabtay Soomaaliya, aad bayse u yaraayeen dadkaasi  inkastoo ay xaaladahan ay ahaayeen kuwa xanuun leh haddana waxa ka darnaa xaalada Soomaaliya ka taagan, laakiinse waxa aanaan wali ogaannin haddii ay jiraaan dad dhinaca Soomaaliya jooga oo jeclaan lahaa  inay Kenya u soo qaxaan, oo halis ka baqdin qaba in  haddii ay u soo tallaaban Kenya loola dhaqmo six un.”

MG/AA/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here