BEERALLEYDA BAARDHEERE OO KA CABANAYSA CAYAYAAN

0
115

Qaar ka mid ah beeralleyda roob falatada ah iyo kuwa waraabka wax ku beerta ee ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka walaacsan sidii ay wax uga qaban lahaayeen cayayaan si aad ah u cunaya noocyo ka mid dalagyada ay beerteen sanadkan.

Beeralleydan ayaa ka cabanaya cayayaan kala geddisan oo maalmihii ugu dambeeyey faro kulul ku hayay inta badan dalagyadii ay beereen, waxaana cayayayaannadaasi oo sida la sheegay u badan kabajaanka ay baabi`iyeen dhul beereed baaxad weyn oo ku yaalla degmadaas.

Daqare Cabdi Colaad, oo ka mid ah beeralleyda Baardheere oo u waramayay Raadiyo ERGO ayaa sheegay in waxyeello weyn uu soo gaarsiiyay cayayaankan beerahooda,  gaar ahaan dalagyo ay ka mid yihiin Masegada, Galleyda, Sisinta, Yaanyada iyo Bocorka.

Daqare Cabdi Colaad ayaa intaas ku daray in beeralayda ay haatan xisaabinayaan waxyeelada soo gaartay. Waxaana uu rajo xumo ka muujiyay dhinaca wax soo saarka beeraha deegaanka ee sanadkan, isagoo tilmaamay haddii aan la helin sun lagula dagaalamo cayayaannada ay dhibaatada sii fidi doonto.

Beeralayda ayaa sida ay sheegayaan tani ay tahay waxyeeladii ugu ballaarnayd ee ka dhasha cayayaan  muddo ka badan 10-sano.

Degmada Baardheere oo ku tiirsan waxsoosaarka beeraha ayaa waxaa horay u saameeyay beeralleyda halkaas ku dhaqan abaarihii ku dhuftay wadanka sanadkii tagay.

Axmed Cumar Saalixi/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here