DAAWO YARI KA JIRTA ISBITAALKA BAYDHABO

0
69

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad dhaawacyo kujira cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay kuwaasi oo ay kujiraan dad rayid ah oo xaaladooda caafimaad wax looga qabanwaayey gudaha magaalada islamarkaasina la sheegay in ay u baahanyihiin gar gaar caafimaad.

Saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka ayaa sheegay in xaaladda 9 kamid ah 17 qof oo ku dhaawacmey qarax ka dhacay bartamaha magaalada ay tahay mid aad uliidata una baahan in loo sameeyo daryeel caafimaad lana gaarsiiyo xarumo caafimaad oo kabaxsan gobolka.

Dhaawacyada ku jira cisbitaalka ayaa kor u dhaafaya 30 ruux oo rayid ah oo kuwaasi siyaabo kala duwan ugu dhibaatoobey falal kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada, waxaanna dhaawcyada qeyb ka ah dad danyar ah oo ka xamaalan jirey suuqa qudaarta lagu iibiyo ee bartamaha magaalada.

Dhibaatada caafimaad ee ka jirta magaalada ayaa imaaneysa xilli cisbitaalka dhexe ee gobolka ay booqdeen saraakill caafimaad oo kasocoda dowladda Turkiga kuwaasi oo kormeer ku sameeyey dhamaan qeybaha uu kakoobanyahay cisbitaalka.

Fowziyo maxamed Sheikh oo katirsan baarlamanka ayaa sheegtay in dawo la’aan ay ka jirto cisbitaalka iyadoo ay aad u koobanyihiin dhaqaatiirta caafimaad ee ka hawlgala cisbitaalka.
Waxay tilmaantay in codsi ay u direen hay’adaha gargaarka si loo qalabeeyo cisbitaalka islamarkaasina loo badbaadiyo dadka ku dhibaateysan gudaha magaalada oo weli laga dareemayo saameyntii ay ku yeesheen abaarihii iyo rabshadihii ka dhacay gobolka.

Dhibaatada daawo yari ee haysata isbtaalka Baydhabo ayaa ahayd mid ka jirtay cisbitaalka seddexdii sano ee la soo dhaafay, hasee yeeshee dhowaan ayaa xoogaa sahay dawo ah ay gaarsiiyeen saraakiil caafimaad oo katirsan dowladda iyo hay’adda caafimaadka aduunka WHO.

Hawlwadeenada cisbitaalka ayaa Radio Ergo telefoonka ugu sheegay in dawadaasi ay noqotay mid aan daboolin baahida ay qabaan bukaanada jiifaa cisbitaalka iyo dhaawacyada dad rayid ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka dawada.

Cabdicasiis/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here