PUNTLAND OO KA DIGTEY BAD-GARIIR KUSOO FOOD-LEH XEEBAHA BADWAYNTA HINDIYA.

0
141

Garowe, April, 11 – Hay’adda maaraynta masiibooyinka maamulka Puntland ayaa sheegtay in xeebaha badwaynta Hindiya ee Soomaaliya ay kusoo food leeyihiin bad-gariiir cabbirkiisu aad u sareeyo.

Maareeyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka Puntland mudane Cabdillaahi Cabdiraxmaan Axmed ‘Cayroow’ oo la hadlay Radio ERGO  ayaa sheegay in cabsi wayn laga qabo xilliyada soo socda bad-gariirkaasi inuu ku dhufto xeebaha Puntland.

“Bad-gariirkaan ayaa loo malaynaa sida aan xogta ku helnay inuu la mid-yahay kii xeebaha Puntland ka dhacay 8 sano ka hor,  sidaa dareedeed waxaan bulshada ugu baaqaynaa inay isaga fogaadaan goobaha ka agdhaw xeebaha gobollada Soomaaliya” sidaasina waxaa yiri mudane Cayroow.
Maareeyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka Puntland mudane Cayroow ayaa sheegay cabsida laga qabo bad-gariirkaan inay aad u wayn-tahay, waxaase uu ka gaabsaday baaxada la filan-karo inuu gaaro.

Sideed sano ka hor ayay ahayd markii masiibooyiin bad-gariir ah ay ku dhufteen xeebaha Badweyta Hindiya ee ee waqooyiga bari ee Soomaaliya ayna ku dhinteen dad ka badan 100 qof,  isla markaana cagta marisay xoolo iyo hanti  wixii ka agdhawaa deegaannada xeebaha badweynta Hindiya ee gobollada Puntland.

M Kooshin/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here