ABAARO IYO BIYO LA’AAN KA TAAGAN SOOL

0
108

Xaalado abaaro iyo biyo la’aan ayaa waxa ay ka taaganyihiin deegaano ka tirsan gobolka Sool halkaa oo todobadaadkan ay xaaladu gaartay  meel aad uliidata. Deeganada ay dhibaatadan ka taagantahay waxaa kamid ah Canjiid, Adhicadeeye, Tuulosamakaab, Hadhwanaag, Yayle, Goljono, Shululux, Ceegaag iyo deegaano kale halkaa oo uu socdaal ku soo marey weriyeheena gobolka Sool.

Tuulooyinkan ayaa badan kood waxa ka taagan haraad aad u daran iyo biyo la”aan daran waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay dadkii danayarta ahaa ee ku noolaa nacfiga xoolaha laga helo sida caanaha.

Deegaanada qaar oo ay abaartu ku dhufatay ayaa waxa qarka u saaran inay xirmaan goobaha waxbarashada sida ay Ergo u sheegeen maamulayaasha  iskuulada ku yaalay deegaanka Yayle

“Ma sii wadi karayno waxbarshadan waayo caruurtu ma helayaan biyo ay cabaan mana helayaan cuno loogu kariyo iskuulka. haday helaan biyo waa kuwo xanuuno ay kaqaadayaan”.

Weriyeheena Cabdikariin Olol ayaa soo sheegay in dhulkii ay socdaalka ku mareen  ay ku arkeen xoolo baqti ah  oo wadooyinka yaalla.

Abaarta ayaa saamaynta ugu daran ku yeelatay hooyooyinka iyo carruurta yar yar, iyagoo ay halkaa ku haystaan haraad, gaajo iyo cuno la”aan.

Tuulooyinka qaarkood ayaa waxaa biyaha ku haray ceelasha ay halis ku hayaan xoolaha iyo dadka, waxaana ku dhimanaya cid kasta oo cabta.

Cabdullaahi Xaaji Aadan Axmed oo jooga tuulada hadhwanaag ayaa sheegay in sababta keenaysa aysan garanayin in dadka iyo xoolaha ay ku dhintaan biyaha ceelasha ku haray.
Dadkan ayaa dhamaantood waxa ay codsadeen in lala soo  gaaro caawinaad dhankasata ah. Waxaana ay ka digeen geeri ku timaada dadka ay abaaraha iyo nafaqadarada ay isugu darsoomeen.

Cabdikarim Olol/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here