Iibka xoolaha iyo ka ganacsigooda ayaa todobaadyadaan meel wanaagsan maraya,iyadoo ay badan yihiind alabka iyo shirkadaha xoolaha iibsada kuwaasoo quud daraynaya inay dhoofiyaan, waxaase dadkii xoolaha dhaqan jirey iyo kuwii gudaha ka ganacsan jireyba saamayn ku yeeshay qiimaha lacagta Dollarka oo hoos u dhacday marka loo eego shillinka Soomaaliga, waxaana taasi keentay inay yaraadaan xoolihii imaan jirey sayladaha wadanka markaad fiiriso ilaa koonfurta, badhtamaha, bariga iyo waqooyiga wadanka.
Hadaan eegno saylada xoolaha ee Burco saaka siduu sheegay Maxamed Aadan Dhunkaal oo ka tirsan ganacsatada xoolaha ku iibisa saylada wuxuu sheegay
Adhiga
muunada 1aad= $75
Muunada 2aad = $70
Muunada 3aad = $65
Geela dhoofka ah ayaa ah $ 450
Iyadoo laga keeno gobolada Hiiraan, Gedo iyo Jubooyinka, sidoo kale wuxuu sheegay in wakhtigaan uu yaraadeen xoolihii la keenayey saylada Burco iyadoo ay ugu wacan tahay qiimaha shilinkii Soomaaliga oo hoos u dhacay tanoo samaysay dadkii xoolaha u iibkeeni jirey saylada burco, sidoo kalena ilaa 5 maamul oo kala gedisan ay soo dhex mariyaan ganacsatadu xoolaha ay soo iib geynayaan oo mikastaaba cashuur ka qaado taasoo iyana ka dhigtay ganacsigii
Gaalkacayo
Geela muunada 1aad $525
Geela muunada 2aad $485
Adhiga muunada 1aad $57
Adhiga muunada 2aad $51
Boosaaso
Adhiga muunada 1aad $65
Adhiga muunada 2aad $55
Lo’da muunada 1aad $300
Buuhoodle
Adhiga muunada 1aad $60
Adhiga muunada 2aad $55
Garoowe
Qiimaha xooluhu Garoowe guud ahaan kor ayey u kaceen qiimaha xooluhu
Orgida waaweyne shan jirka ahi waa
Muunada 1aad = $100
Muunada 2aad = $80
Dhoofka
Muunada 1aad = $70
Geela
Muunada 1aad = $900
Hasha dhalaysa = $1000
Hadaan u gudubna gobolada dhexe magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa siduu sheegay Cabdi Axmed Cali oo tirsan dilaalayda suuqaas xoolaha ku iibisaa, wuxuu sheegay in ganacsiga xoolahu aad u socdaan ayna jiraan shirkado badan oo iibsiga xoolaha u jooga gobolka, xolaadihii Galgaduudna wax buuran kumaysan yeelan ganacsigii xoolaha. Waxaan saylada Dhuusamareeb saaka xooluhu ka joogaan.
Adhiga
Muunada 1aad = $65
Muunada 2aad = $58
Adhiga daabaxa ah = $55
Geela Dhoofka ahi
Muunada 1aad= $ 550
Muunada 2aad = $50
Beledweyne
Geella Qaliinka
Muunada 1aad = $850
Muunada 2aad = $ 900
Qurbacda dhoofka ah = $350
Geela kawaanka ah = $550
Awrta waaweeyn Dalabkoodu ma socdo
Qurbacda dhaqaalka ah iyana dalabkoodu ma socda
Lo’da dubaaxa $200 – 220
Lo’da Dibida dhoofka 2 ilaa 3 jirka waxaa qofkii la yimaada looga iibsanayey lacagta dollarka Maraykanka qiimaha $ 200 ilaa 250
Nooca affar sanno jirka ah ee dibidan waa – $ 270
Nooca shan sanno jirkana waa – $ 350
Lo’da dhaqaalka ah dalab maleh, qaalintii qurxan ee loo bogaa waa – 3500.000 Sh.so
Adhiga dubaaxa
Muunada 1aad = $70
Dhoofka
Muunada 1aad = $65
Aan eegno Baardheere Aadan Axmed oo aan khadka telefoonka kula xiriiray wuxuu ii sheegay in geela iyo adhiga loo iib geeyo magaalada Muqdisho halka lo’duna ay aada wadanka deriska ah ee Kenya, isagoona intaas ku daray in saylada Baardheere ay xoolaha imanayaa aad u yar yihiin.
Lo’da
Dibida = $ 350
Hillibka = $300
Dhaqaalka = $250
Geella
Awrta roon roon = $ 550
Geela aaranka = $350
Adhiga
Muunada 1aad = $65
Munada 2aad = $60
Wararkii qiimaha xoolaha ee todobadkaan waa naga itnaas haddaa hayso wax talo ama tusaale ah fadlan noogu soo dir info@radioergo.org