Qeyladhaan daran oo dhanka abaaraha ah ayaa kasoo yeereysa dadka kunool deegaanada hoostaga Degmooyiinka Caluula iyo Baargaal ee gobolka Bari, kadib markii mudo 4sano ah aan wax Roobab ah kada`in deegaanadaasi, xoolihiina ay ladeen.
Cuduro ka dhashey abaarta ayaa saameyn ku kureebey nolasha dadka nugul sida carruurta, dumarka iyo waayeelka, 4 caruur ah ayaa todobaadkani oo keliya ku geeriyootey deegaanada Taageer Unuun iyo Hoodaa ee gobolka Bari ,carruurtan qaarkood ayaa udhintey nafaqo dari halka qaarka kalena ay cabeeen biyo wasaqeysan, laba dumar ah ayaa sidookale ku`umul raacey deegaanada Muudiye iyo Waadi Kheyr kadib markii ay waayeen gargaar caafimaad.
Dad badan ayaa kasoo hayaamay deegaanada miyiga iyo tuulooyiinka gobolka kadib markii ay dhaafeen duunyadii ay dhaqanayeen iyadoona ay isugu darsantay abaarta iyo macaluuli, mana helin wax gargaar ah.
Qaar kamid ah wargaradka deegaanada hoostaga degmooyiinka Caluula iyo Bargaal oo la hadley Radio Ergo ayaa qeylodhaan cod dheer ah udirey Maamulka Puntland, hayadaha samafalka, ganacsatada iyo qurbo joogta si gargaar bini`aadantinimo loo gaarsiiyo dadka la ildaran biyo la`aanta iyo cuna yarida ka dhalatey abaarta ee kunool deegaanada buuraleyda gobolka Bari.
Cismaan Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa guddi is xilqaamay oo ka tegey Boosaaso, xaqiiqo raadin ah oo tagey deegaanada hoostaga Bargaal si loo soo ogaado xaalada halkaasi kajirta, markii cabasho weyn nooga timid dadka deegaankaasi ayaa Radio Ergo u sheegay, “waxaanu soo aragney xaalado daran oo bini`aadantinimo ah oo dadka iyo deegaankaba saameysay, taasoo ka dhalatey abaarta“
Nabaddoon Maxamed Cali Guul (Lafa Goroyo) oo mid ah odayaasha deegaanada abaartu ku dhufatay ee dhulka fog ee gobolka bari ka tirsan ayaa isaguna sheegay “deegaanada aanu ka nimid waxaa ka jirta xaalad halis ah oo dhanka noolasha ah, mudo afar sano ah wax roobab ah kama di`in, xoolihii abaar baa ku kacdey oo waa dhamaad, dadkiina way isaga soo carareen deegaanada miyiga, oo waxaa xaruumo barakac ah ay kasameysteen degmooyiinka, waxaa kaloo kamid ah dhibaatada biyo la’aan kadib markii ay gureen illihii biyaha ay kasoo burqan jireen, berkeduhuna ay qalaleen, tanoo ay sababtay roob la`aan mudo sanado ah, ceelkii boqol qoys ay biyaha ka dhaansan jireen hada 10 qoys biyo kama helaan“
Warbixin kasoo baxdey faxiiska gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Radio Ergo ayaa lagu sheegay in hadii gargaar degdeg ah aan lala gaarin dadka ay ku dhufatey abaarta iyi biyo la`aanta ee kunool buuraleyda gobolka, in ay wajihayso xaalado qatar ah oo bini`aadantino, iyadoona looga codsadey bayaankan heyadaha samafalka in gurmad ay lagaaraan dadka ku ceertoobey abaarta keentay barakaca ka jira gobolka Bari.
Siduu warbixin ku soo saaray xafiiska iskudubaridka arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya OCHA tirada dadka baahidu ku hayso Soomaaliya ayaa sii kordhi karta haddii xili roobaadka gu’ga ee la sugayaa ay baaqdaan,
Dadka kunool deegaanada ka durugsan laamiga ee buuraleyda gobolka Bari ayaan helin xuquuqda Caafimaad Waxbarasho biyo nadiif ah iyo gargaarka bini`aadantinimo, iyadoona ay sababtu tahay dhulka oo ah buuraley aan laheyn wadooyiin wanaagsan oo ay adeegsan karaan gaadiidka dhulka marka laga reebo bada, maamulka Puntland iyo heyadaha samafalka ayaa inta badanaa lagu dhalilaa in aysan howlahooda gargaar gaarsiin dadka kunool dhulka ka durugsan laamiga.
Axmed Somali/MH