Kaluumeysatada yar yare e ka jilaabta wabiga Shabelle ayaa ka cabanaya muddooyinkaan dambe xaalado dhanka nolosha la xiriira oo soo foodsaaray kuwaasoo ka dhashay kaddib markii ay yaraadeen biyaha wabiga Shabeele oo ku xirnaa jilaabashadooda iyo agabkii ay u isticmaali jireen jilaabashada oo ka duugoobay.
“Mashaakilka aan sheeganeyno waa kalluun la’aan, webigoo jilaal ah oo biyahiisu yaraadeen, sida caadiga ah 27ka bisha Maarso webigu biyuu keeni jirey, hadda biyo maleh, Maalinkii 10kg ama 15kg oo Mallaay ah ayaan ka soo jillaaban jirnay , markaan u yarnahayna illaa 5kg oo kalluun ah ayaan ka soo heli jirnay wabiga, hadda waxaasi ma jiraan,Waxaan ahay aabbo koriya caruur iyo xaas,Maanta markeey u badato 1kg ama 500gm oo kalluun ah ayaan helnaa, Qoyskiina kuma filno,ma jiraan cid na saacideysa ALLE mooyee”sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay C/naasir Sheekh Mahdi oo ka mid ah kalluumeysatada saboolka ah ee ku tiirsan jilaabshada wabiga Shabelle ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
C/naasir ayaa intaasi ku daray in qalabkii ama agabkii ay u adegsan jireen kalluumeysiga uu noqday hawl gab “ma haysano shabaag, boombooyin maleh, xarko Maleh ,huukis maleh, maxaan kusoo bixinaynaa Mallayga , ma gacmaheena, dadkoo idil waa saaxibu ciyaal, murugaa na hayso”
C/naasir ayaa dhinaca kale sheegay in dhibaatadan iyo duruufahan qallafsan ee haysta Kalluumeysatada saboolka inay ka jirto dhamaan deegaanada gobolka Hiiraan min Jeereey laga soo bilaabo webiga shabeelle labadiisa dacal ilaa Booco, Beleddel-salaam ilaa iyo Baacyar ayna nolol xumo u baaba’ayaan kallumeysatu.
“ Madax Qooleey waxaa kulmiya Masago, Mallaygi haddii la waayey dadkii waa kala tageen, qaar waxay iska aadeen Xamar, si ay xeebaha Muqdisho uga jillaabtaan, qaarna waxay iska aadeen Boosaaso inay ka kalluumeeystaan, qaar waxay aadeen Hobyo” ugu dambeyntii C/naasir oo ka mid ah kalluumeysatada ka jillaabata wabiga Shabelle ee gobolka Hiiraan ayaa codsi u iray ganacsatada iyo hay,adaha isagoo ka codsaday in laga saacido dhanka qalabka kalluumeysiga.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Hiiran ayaa waxaa uu ka mid yahay mid kamid ah gobollada Soomaaliya ugu qanisan isagoona gobolku uu leeyahay wax soo saarka beeraha,kalluumeysi, iyo xoolaha nool,gobolka waxaa mara wabiga Shabelle oo kamid h wabiyada mara dalkeena Soomaaliya kaasoo bulshadu ay uga faa,iideystaan dhinacyada wax soosaarka dalagga beeraha iyo kalluumeysi.
AS/AA