Odayaasha deegaanka Hoosungow oo ka hadlay khasaarihii dagaalka iyo duqaymaha

0
75

29 March, 2012  NAIROBI

Odayaasha iyo wax garadka ku nool degaanka Hoosungoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay dadka degaanka ay soo waajahday cabsi aad u daran kaddib markii magaaladu ay noqotay goob ay ku hardamaan dhinacya hubeysan,oo ka kala tirsan xukuumadda Kenya iyo xarakada Shabaab.

“Habeenkii dadka degaanku waxay ku baryaan duurka taasoo ay ugu wacantahay iska hor imaadyada ka dhacaya degaanka oo noqday kuwa joogta ah” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Nabaddoon Maxamuud C/llaahi Xusseyn oo kamid ah wax garadka tuulada Hoosungoow ,nabaddoonka ayaa sidoo kale sheegay in degaanka muddooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen duqeymo xoog leh kuwaasoo halkaasi ay ak geysteen diyaaradaha dagaalaka dawladda Kenya”.

tirada dadka rayidka ahaa ee ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha ciidamada cirka Kenya ka geysteen degaankaasi ayaa gaareysa illaa 12 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 27 kale.

Nabaddoon Maxamuud C/llaahi Xusseyn (Macallinjoon) ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duqeyn ku dileen shan ruux oo isku qoys ah, hooyadi reerka oo uur lahayd ninkii qabay iyo laba caruura oo ay dhaleen, waxaana qoyskaasi ka bad baaday sida uu sheegay nabaddoonku gabar kaliya,sidoo kale nabaddoonka ayaa xusay in qoys kale oo ka mid ah qoysaskii ku noolaa Hoosungoow ay ku baa,ba,een duqeyntaasi ay geysteen diyaaradaha dagaalka ciidamada Kenya, kadib markii hooyada qoyskaasi oo xaamila ahayd iyo ilma yar oo ay dhabta ku haysay ay ku dhinteen duqeynta ,iyadoona sidoo kale laba kale oo kamid ahi qoyka ay ku dhinteen duqeyntaasi,dadka ku dhaawacmay duqeymahaasi ayaa loola cararary goobaha caafimaadka eek u kala yaala magaalooyinka kismaayo iyo Dhoobleey oo labaduba ka mid ah magalooyinka gobolka Jubbada hoose.

“Waxa dhintay iyo waxa dhaawaca ahiba waan shacabkeena waana u sheegnay dawladda Kenya iyo tan Soomaaliaya labadaba, qasaaraha gaaray shacabkena waa uu badan yahay aad ayaanan uga xunnahay in malin waliba nalagu dul dagaallamo isla mar ahaantaana diyaarado lagu duqeeyo dadkeena iyo dalkeena”sidaana waxaa yiri Nabaddoon Maxamuud C/llaahi Xusseyn Macallin Joon oo kamid ah Nabaddoonada degaanka Hoosungoow eegobolka Jubbada hoose isagoona intaasi ku daray in xaaladda dadka degaankau ay tahay mid cabsi iyo argagax ay hareysay, waxana uu ugu dambayntii uu baaq u diray dhinacyada ku dagaalamaya Hoosungoow isagoona ka codsaday in ay xaq dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah ee aan iyagu ku lugta lahayn dagaalada.

MG/AA

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here