Dagaal ka dhacay Garbahaarrey oo waxyeello u geyestay cisbitaalka guud ee degmadaasi.

0
70

01 March, 2012 GEDO

Wararka laga helayo degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo socnayay muddo ka badan illaa 7 saacadood in fiidnimadii xalay uu degmadaasi ku dhex maray Ciidamo ka kala tirsan kuwa DKMG iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasina uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ah ee soo kala gaarey dhinacyadii ku dagaallamay degmadaasi,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkaasi in ay ku geeriyoodeen illaa 6 ruux, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaasi oo markii dambe si iskiisa ah u is taagay, ayaa waxyeelladii ugu darneyd waxay ka soo gaartay cisbitaalkii guud ee degmada Garbahaarrey, gaar ahaan qeybta Sheybaarka iyo daawada, ka dib markii ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, taasina waxay keentay in halkaasi ay ku bas beelaan sheybaarkii iyo daawadii cisbitaalka keydka u ahayd.

Aadan Cabdi Xaashi (Aadan Goomey) oo ah maamulaha cisbitaalka degmada Garbahaarrey, oo u warramayay Raadiyo ERGO ayaa walwal xooggan wuxuu ka muujiyey saameynta dagaalkii xalay ka dhacay degmada Garbahaarrey iyo khasaaraha uu ku keenay adeeggii Caafimaad ee ka jiray degmada Garbahaarrey iyo waliba degmooyinka kale ee gobolka Gedo, isagoo sheegay Sheybaarkani inuu ahaa midka keliya ee ay isticmaali jireen Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla degmooyinka Garbahaarey, Ceelwaaq, Buurdhuubo, Baardheere iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay.

Aadan Goomey, ayaa wuxuu intaa ku darey in bukaannada ku jira cisbitaalka iyo weliba dadka caadiga ah ee ku nool degmada inay soo food saartay cabsi la xiriirta daawo la`aan ka soo cusboonaatay deegaanka, xilligan oo uu tilmaamay in waddooyinkii ay soo marayeen daawada ay saameyn ku yeelatay dagaallada iyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka.

Sidoo kale dagaalka ka dhacay degmadaasi, ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku barakaceen qaar ka mid ah qoysaskii ka ag dhowaa goobta uu dagaalku ka dhacay.

Inkastoo xaalad degganaansho ah oo aan la isku hallayn karin ay ka jirto hadda degmadaasi, haddana waxaa xayiran adeegyadii waxbarashada iyo goobihii ganacsiga .

Axmed Cumar Saalixi/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here