Xirfadaha ay noloshooda ku maarreeyaan hooyooyinka ku jira xeryaha barakaca ee Muqdisho

0
112

Muqdisho:- Ka dib abaaro galaaftay nolosha kumannaan dad ah, isla markaana sababay barakac qoysas badan, ayaa qaar ka mid ah qoysaskii ka soo barakacay deegaanno ka tirsan gobollada koofur galbeed Soomaaliya waxay billaabeen inay noloshooda ku maarreeyaan xirfado yar yar oo ay qabtaan si ay u daboolaan baahidooda.

Qaar ka mid ah haweenka ayaa ku hawlan soohidda xargaha, cawda la falkiyo ama la saabcaareeyo iyo samaynta salliyada, iyagoo ku shaqaynayey tan iyo markii ay soo barakaceen.

Xaaladda haweenkan ku dhalisay in xirfadahan ay qabtaan, ayay ku sheegeen markii ay heliwaayeen cunno gargaar ah, iyadoo ay sii xumaanayso nolosha carruurtooda.

Haweenka ayaan ku booqday kaam ku yaalla degmada Hodon, halkaasi oo ay ku sugnaayeen tiro kooban oo barakacayaal ah, waxaana la ii sheegay in dadkii ku noolaa cooshado faaruq ahaa ay dib ugu laabteen deegaannadii ay ka soo barakaceen.

Seynab Cali, oo ka mid ah haweenka sooha xargaha ayaa sheegtay in xirfaddan ay ku shaqaynaysay lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyo in marka ay sameyso xirmooyin xargo ah ay hesho lacag ku dhow 10 doollar taasi oo ay xustay inay ku maarreyso nolosha qoyskeeda oo ay ka mid yihiin afar carruur ah oo aan aadin goobaha wax lagu barto.

Tiro kale oo Saynab la mid ah, ayaa ka shaqeeya soohidda xargaha taasi oo ay xuseen inay tahay farsamo ay awoodaan in ay ku soo saartaan nolol maalmeedkooda.

Tallaabadan ayay dad badan aaminsanyihiin inay tahay mid horumarinaysa Nolosha barakacayaasha, haddii lagu dhiirri geliyo isla markaana loo tababaro xirfado kale oo noloshooda ay ku maarreeyaan, sidoo kale waxay meesha ka saaraysaa in dadka soo barakacay ay ku tiirsanaadaan oo keliya gargaarka bulshada caalamku ay ugu deeqdo Soomaaliya.

Cabdicasis/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here