Cabasho ka soo yeeraysa qaxooti Soomaaliyeed oo ku jira xero ku taalla dalka Musambiig

0
44

MOZAMBIQUE :- Waxaa cabasho baahsan ay ka soo yeeraysaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerada qaxootiga ee Maratani oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee waddanka Musambiig, iyagoo sheegaya inaysan haysan agab caafimaad.

Asad Maxamed Cabdi, oo ah afhayeenka qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeradaas, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay 3 qof ku geeriyoodeen xeradaasi “dhinaca caafimaadka dhibaato badan ayaa ka jirta, waqtigaan cudurka Duumada ayaa dadka qaxootigu u daadsan yihiin, xeradu isbitaal way leedahay laakiin ma lahan daawo iyo takhaatiir, cudurrada sida degdegga ah ugu baahan in wax looga qabtana waa dhibaato weyn oo kale”.

Naciimo Cali Jimcaale, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan soo gashay xerada ayaa iyana Raadiyo Ergo u sheegtay “Isbitaal yar ayaa ku yaal meesha daawana ma lahan, xilli roob weeye dadka tiifow, duumo iyo cagaarshow ayaa soo wada ritay, wax gargaar aan helnayna ma jirto, UNHCR ayaan ka codsanaynaa inay dhibaatadaan wax ka qabtaan, ammaan ahaan waan wanaagsannahay laakiin adeeggii caafimaadka ayaa hadda noogu daran, waana xilli cudurro badani ay dillaaceen”.

Xeradaan Marataani, ayaa marin u ah kumannaan Soomaali ah oo safar dhulka ah u gala dhinaca koonfureed ee qaarada Afrika, halkaasoo ay kula kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin xanuunnada, sidoo kale waxaa ku jira xeradaas qaxooti kale oo ay ka mid yihiin Itoobiyaan iyo Ereteriyaan.

Faarax Dubbad/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here