Bakool:- Xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab, ayaa saaka ka taagan deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya qeybo ka mid ah gobolka Bakool.
Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii shalay muddo kooban ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Xudur, kuwaasi oo markii dambe isga soo baxay iyadaoo haatan saldhigga iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada ay ku sugan yihiim ciidamada Al-Shabaab.
Ciidamda labada dhinac ayaa isku hor fadhiya deegaanka Aboorri, oo ku dhowaad 10Km u jira magaalada Xudur, halkaasi oo ay ku nool yihiin dad fara ku tiris ah oo ay ku jiraan qoysas ka soo barakacay degmada Xudur.
Walaaca dadka deegaanka ay qabaan ayaa wuxuu yahay xiisadaha sii xoogaysanaya ee ka jira gobolka Bakool, kuwaasi oo sababay barakac ballaaran, waxaana magaalada kabarakacay qoysaskii ugu badnaa oo degganaa degmada xudur iyo deegaannada ku xeeran.
Saraakiil ka tirsan dowladda, ayaa sheegay in saaka markale ay weerari doonaan magaalada Xudur, oo shalay gacan ku haynteeda ay la wareegeen muddo kooban.
Cabdifaaqid Cabdi Duwane, oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in saaka ay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan magaalada oo shalay dagaal uu ka dhacay, isagoo xusay in uu koobnaa khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, inkastoo aan la ogayn tirada dadka dhibaatadu ay soo gaartay.
Qoysaska ka barakacay degmada Xudur ayaa gaaray dhulka baadiyaha ah, oo ay aaminsan yihiin inay ku badbaadayaan. Malaaq Cali Muumin, oo ka mid ah dadka barakacay ayaa Raadiyo Ergo uga warramay barakaca ka jira Xudur.
Lama oga khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah iska horimaadkii shalay ka dhacay deegaanka Teed oo 30km dhinaca bari kaga beegan magaalada Xudur, hasee yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 6 ruux oo rayid ah ay dhinteen kuwaasi oo qaybka ahaa barakacayaal ka baxsanayay dagaallada.
Goob joogayaal ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo la gaarsiiyay cisbitaalka Xudur, oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyada dagaallamay walow uu aad u hooseeyo adeegga caafimaad ee cisbitaalka gobolka.
Ma jirto cid daryeel u fidinaysa dadka dhibaataysan ee ay saameysay colaadda ka jirta gobolka, waxaana horay deegaannada looga saaray hay`adihii ka shaqaynayay daryeelka bulshada iyo caafimaadka.
Xaaladda ayaa u muuqanaysa mid sii adkaanaysa, xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya dhinacyada isku haya gobolka Bakool.
Dhinaca kale dhaq dhaqaaqyada ganacsi iyo adeegga bulshada ayaa ku soo laabanaya degmooyinka Baydhabo iyo Berdaall,e oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya.
Koranto/MH/FM