Bakool:- Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo Al-shabaab
ayaa ka dhacay duleedka magaalada Xudur gaar ahaan deegaanka Teed oo
qiyaastii 30km dhinaca bari kaga beegan magaalada Xudur.
Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ka
soo duulaan tegay Ceelberde ay la kulmeen ciiidamo katirsan
Al-shabaab oo ka soo baxay degmada Xudur.
Lama oga tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay ama ku dhaawacmay
dagaalka oo muddo socoday hasee yeeshee malaaq Cali Muumin oo kamid ah
ugaasyada deegaanka ayaa sheegay in uu warka ku halay geerida 6 ruux
oo rayid ah, isagoo xusay in dhaawacyo tiradooda la ogayn lagaarsiiyay
cisbitaalka magaalada Xudur.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan
degmada Xudur hase yeeshee gudoomiyaha degmada Xudur ee dowladda ayaa
tilmaamy in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada oo ay ka baxeen
sida uu sheegay Al-shabaab.
Isgaarsiinta degaanada ayaa ah mid aad u adag mana jiraan warar
dhamaysitran oo laga heli karo.
Malaaq Cali Muumin oo duleedka Xudur ku sugan ayaa Ergo u sheegay in
dhamaan qoysaska deganaa magaalada ay u barakaceen deegaanada baadiyaha
ah iyagoo ka cararya dagaalada.
Tirada rasmiga ah ee dadka barakacay lama oga balse intabadan dadkii
kuu noolaa magaalada ayaa isaga baxay Xudur.
dhinaca kale hawl gallo ay sameeyeen ciidamada ku sugan magaalada
Baydhabo ayaa lagu soo qabtay dadrayid ah oo gaaraya 20 ruux kuwaasoo u badan dhallinyarro.
Saraakiisha ayaa hawlgalka ku sheegay mid miino baaris ah oo
wadooyinka magalada lagu sifaynayo.
Ganacsiga magaalada ayaa ah mid hakad ku jira waxaaanna aad u kooban
dhaq dhaqaaqa bulshada gudaha magaalada Baydhabo.
Xiisadaha ayaa imaanaya xilli ciidamda dowladda ay isku fidinayaan
deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bakool. Ugu dambeyntii dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa degmada Buurhakaba ee gobolka Bay waxaanna halkaasi gaaray qaar kamid ah ciidamda Al-shabaab.
Koranto/MH