Gaalkacayo:- Gobolka Mudug waxa uu ka mid yahay gobollada ay ku sugan yihiin qoysaska barkacayaasha ee ka cararay dagaalada iyo abaarihii ku dhuftay gobollada koonfureed ee Soomaaliya,waxaana xilligaan ku yaala qeyba badan oo kamid ah gobolka gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Gaalkacayo xerooyin ama kaamam ay ku noolyihiin qoysas barakacayaasha ah ,haddaba qoysaskaani ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo foodsaaray xaalada adag oo dhanka noloshooda la xiriira.
Qoysaskaani oo la hadalayayay qeybaha warbaahinta ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in aysan haysan cuno,biyo iyo hoy,waxaana ay ka codsadeen hay,adah samafalada in ay la soo gaaraan gargaar degdeg ah.
In kastoo ay jiraan cabashooyinkaasi ka soo yeeraya qoysaska barakacayaasha ee ku nool magaalada G/kacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa hadana dhawaan,Hay’adda samafalka ee NRC ay u qeybisay ilaa 800 oo qoys oo ka tirsan qoysaska barakacayaasha eek u sugan degmada Gaalkacayo gargaar ka kooban , Teendhooyinka qaxootigu ka samaystaan aqalada iyo qaarkood oo loo dhisay gurya ka samaysan jiingado.
“Barakacayaashu xilligaan ma haystaan waxyaabihii ka kaafin lahaa dhanka noloshu xaaladuna waa mid aad u adag waxaan ka codsan lahayn hay,adaha samaflaka in gargaar degdeg ah ay la soo gaaraan qoysaskaasi”sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Binti Sheikh Xasan Cigaal oo ah horjoogaha kaam ka mid ah kaamamka ku yaala magaalada G/kacayo dhinaceeda koonfureed.
Magaalda G/kacayo oo u muuqata xilligaan magaalo ay dhismayaal xoogani ka soconayaan ayaa waxaa taasi ay keentay in qoysas badan oo barakacayaal ah laga saaro goobihii ay deganaayeen,kadib markii dadkii iska lahaa dhismayaashaasi ay u baahdeen in ay dib u dayactirtaan dhismayaashooda,waxaana taasi barakacayaasha ay ku keentay in laga saaro guryahaasi ,waxaana arrintaasi ay qoysaska barakacayaasha ku noqotay dhibaato ugu darsantay dhibaatooyinkii horey u haystay.
“Waxaan aad uga xunnahay dhibaatooyinka kala duwan ee soo waajahay dadka barakacayaasha ah muddooyinkii ugu dambeeyay kuwaasoo aan waxba haysanin ,waxaana caalamka usoo jeedin lahaa in ay wax u qabtaan barakacayaasha oo xilligaan nay xaaladddoodu aad u liidato” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay C/rashiid Faarax Cartan oo ka tirsan aqoonyahannada ku nool magaalada G/kacayo.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Mudug waxaa uu ka mid yahay goobaha ay barakacayaashu u carareen xilliyadi ay abaaruhu ku dhufteen gobollada koonfureed ee dalka.waxaana gobolka ku sugan qoysas kumanaan kor u dhaafaya.
Takilo/AA