Barakacayaasha Ceelcade oo dhibaatooyin haystaan

0
68

Gedo:- Waxaa laga deyrinayaa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin qoysas ku barakacay dagaalo bishii la soo dhaafey deegaanka Ceelcade oo ka tirsan gobolka Gedo ku dhexmarey ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG oo isku dhinac ah iyo xarakada Alshabaab, dadkaan oo u badan haween iyo carruur ayaa dhibaatada ugu darani tahay cuno la,aan, hoy la,aan iyo weliba helitaanka adeeg caafimaad oo aan jirin.

Qoysaskaasi barakacayaasha ah ayaa markii duqaymaha iyo dagaalada kale dheceen u cararay goobaha miyiga ah ee ku teedsan Ceelcade oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxay sheegeen in xaaladooda nololeed haatan ay taagan tahay meel halis ah, iyagoona tilmaamay dhibaatooyinka nololxumo ay u sii dheertahay welwelka colaadaha iyo deganaansho la,aanta halkaasi ka jirta iyo weliba xirnaanshaha wadooyinkii ay soo marayeen badeecooyinka ganacsi oo ku xirmay dagaalada, arrimahaasi oo idil ayey sheegeen in ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ay qabaan dadka barakacayaasha ah.

Maryan Ciise Maxamuud oo ka mid ah qoysaska ka barakacay Ceelcade oo la hadlaysay raadiyo Ergo ayaa sheegtay in meel halis ah ay taagan tahay nolosha dadkii ka barakacay Ceelcade, iyadoo sheegtayna mushkilada ugu darana in ay ka taagan tahay dhinaca helitaanka raashinka, hoy la,aan iyo weliba cuduro ay ka mid yihiin duumada iyo kuwa neef mareenka ku dhaca oo ay sheegtay in carruur faro badani la liitaan.

Sidoo kale Maxamed Sh.Xasan (Bacle) oo ka mid ah odoyaasha Ceelcade ayaa waxaa uu rajo xumo uu ka muujiyey xaaladahay ku sugan yihiin qoysaskaasi faraha badan ee ka barakacay guryahooda in xilligan ayan uu muqan ififaalo ay dib ugu soo laaban karaan deegaanka, maadama weli ay taagan tahay cabsidii dagaal.

Weli waxaa ka taagan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo colaadahii u dhexeeyey qaybaha soo kala horjeeda kuwasoo xanibay ganacsigii, taasoo adkaysta inay dadku helaan raashin ku filan. deegaanadaasina ay tilmaamayaan in Qoysaskaasi ay haysato dhibaatooyin adag oodhinaca Nolosha ah.

Axmed Cumar Saalixi/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here