Isbitaalka guud ee magalada Laascaanood qaybtiisa Qaaxada ayaa waxa haysata cuno iyo daawo la’aan daran, iyadoo arrintan ay sababtay in qaar badan oo kamid ah bukaanidii jiifay qeybta qaaxada ay isaga baxeen halkaasi.
Dadkan qaba xanuunkan TBda ayaa waxa ay yihiin kuwo aan awoodin in ay helaan waxay cunaan, iyagoo intooda badan ay ka yimaadeen baadiyaha, aysana wax qaraabo ah ku lahayn magaalada.
Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa waxa in muddo ahba gacanta ku hayay jaaliyadaha dibada iyo haya’da barnaamijka cuntada adduunka ee WFP oo haray u siin jirtay dadka cunooyin tayo leh oo ay daawada ku qaadan jireen.
Markaad booqato gudaha isbitaalka ayaa waxaa kuu muuqanaya sariiraha isbitaalka oo maran, waxaana qaar kamid ah bukaanadu Radio Ergo u sheegeen in ay aad u dhibaataysan yihiin, uguna baaqayaan haya’daha gargaarka in ay soo caawimaan.
“Walaal halkan waxa ka taagan dhibaato adag, dadkii ku jirayna way ka baxeen markii ay waayeen daryeel, anaga halakan waxa nagu haysata cuno yaraan daran waxaana aan doonaynaa in nala soo caawiyo” sidaasi waxaa sheegay mid kamid bukaanada
Safiya Axmed Cumar oo kamid howl wadeenada qaybta TBda ayaa Idaacda Ergo uga warantahay sababaha keenay xaaladan cuno la’aanta ah ”Dad badan oo qaba cudurkaan ayaa isbtaalka soo geli jirey markii cuntada ay qaadan jireen bukaanada, laakiinse hadda waxaan ka walaacsanahay qeybtii haweenka oo xirantay, in qeybta TBdana ay xiranto”
Maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Laascaanood ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka iyo jaaliyaddaha dibada in ay gacan ka soo gaysteen sidii loo daryeeli lahaa bukaanadaasi, oo badankood ay yihiin dad aan awoodi karin in ay iibsadaan cunada ay daawada ku cunayaan. waxaa kaloo taas ka sii daran iyadoo ay jiraan dad bilooyin qaatay daawooyinka oo aan dhamaysan taasoo iyana leh saamayn iyo in cudurkii markale in la daaweeyo ay adkaato.Maamulka isbitaalka Laascaanood ayaa dhibaatadda ugu weyn ee hadda haysata qaybta qaaxada ku sifeeyey daawa la’aan ka jirta isbitaalka.
Cabdikariin Olol/MG