Kismaayo:- Cabsi iyo barakac ayaa ka jira degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay halkaasi dagaal kula wareegeen ciidamada huwnta ah ee isgarabsanaya, ayadoo colaadda ka jirta nawaaxiga Badhaadhe uu saameyn ballaaran ku yeeshay howlihii dhaqdhaqaaqa bulshada ee degmada Badhaadhe.
Dad ku suggan magaalada Badhaadhe, ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in boqollaal qoys oo u badan haween, Carruur iyo dad da` ah ay billaabeen inay ka barakacaan guryahoodii ku yaallay magaalada Badhaadhe iyagoo dadkaasi ka cararaya inay dhibaato ka soo gaarto dagaallo ay suura galtahay in gudaha magaalada ay ku dhex maraan dhinacyada is haya.
Qoysaskaan ka barakacay degmada Badhaadhe ayaa u barakacay dhulka Miyiga ah ee ku teedsan degmada Badhaadhe, waxaana qoysaskani ay yihiin kuwo aan gabi ahaanba haysanin adeegyadii aasaasiga ahaa ee dhanka nolosha sida Biyaha la cabo, raashinka iyo adeegyada kale.
Majirto dad rayid ah oo ku waxyeelloobay intii dagaallada iyo xiisadaha ay ka jireen degmada Badhaadhe nawaaxigeeda, sida ay dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda u sheegeen Raadiyo Ergo.
Dareenka dadka fara ku tiriska ah ee iyagu magaalada ku haray ayaa aad u kacsan, iyagoo sheegay inay magaalada ka baxayaan haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto.
Howlihii ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii bulshada degmada Badhaadhe ayaa gabi ahaanba hakad galay, ayadoo ay arrintaasi sii adkeysay xaaladaha isbiirsaday ee halkaasi ka jira.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa Militariga dowladda Kenya, ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta magaalada Badhaadhe kadib dagaal xoogan oo ka dhacay meel bannaanka ka ah magaalada.
Khadar/FM