Nairobi:- Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Liibiya, ayaa ka dayriyey xawliga tahriibka ay ku socdaan boqollaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee isku biimaynaya safarka dhibta badan ee ay kaga tallaabayaan badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.
Cabdiqani Maxamed Wacays, oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada caasimadda ah ee Tripoli oo u warramayay Raadiyo Ergo ayaa yiri “walaal intii maamulkii Liibiya kala daatay ayey arrinta tahriibka iyo dhibaatadeedu faraha ka sii baxday, bishii hadda dhammaatay doonyo badan oo tahriib ah ayaa ka baxay Liibiya, iyadoo 2 doonyood iyagoo dadkoodu inay haligmaan ay ku dhow yihiin la soo badbaadiyey, hal doon ah ayaan jaan iyo cirib meel ay dhigtay lahayn iyada iyo dadkii saarnaa in muddo ah, iyadoo ka dibna ay soo caaryeen maydad badani”
Safiirka ayaa sheegay in 37 qof oo dadkii doontaas saarnaa aan raq iyo ruux midna lahayn, iyadoo 18 ka mid ahi maydadkoodu soo gaareen xeebaha Liibiya lana xabaalay, wuxuuna masuulku sheegay in dawladda Talyaanigu xaqiijisay geerida dhammaan dadkii saarnaa doontaas.
Wuxuu dhinaca kale safiirku ku eedeeyey ehelka iyo waalidiinta dhalay dhalinyarada inay iyagu leeyihiin masuuliyadda koowaad ee khatarta gelinaysa dhalinyarada, sidoo kalena wuxuu ka codsaday maamullada magaalooyinka xeebaha ku yaal Liibiya ay ka qayb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay tahriibka.
Wuxuu kaloo sheegay safiirku in dhinaca bari magaalada ku taal ee Banqaasi ay dhalinyaro badan lagu qab qabtay kadibna la geeyey xeryo lagu hayo, waana 340 – 400 oo qof oo dhalinyaro Soomaali ah, xerooyin ayeyna ku jiraan waxayna u hayaan sidii aysan khatarta tahriibka u gelin naftooda.
wuuxuu safiirku caddeeyay inaysan jirin wax Soomaali ah oo u xiran qul qulatooyinka ka jira Liibiya, isagoo dhinaca kalena caddeeyey in maamulka cusub ee Liibiya ay gebi ahaanba mamnuuceen tahriibka.
Dadka Soomaaliyeed ee tahriib doonka ah ayaa ka kala imanaya Jabuuti, Kenya, Yugandha, Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana jira hannaaan isku xiran oo dad mukhalasiin ka macaasha dhibaatada dadka ay ku lug leeyihiin, iyadoo ay soo badanayaan Soomaalida tahriib doonka ah ee imanaya Liibiya.
MG/MH/FM