DADKA TALEEX OO CODSADAY IN LOO DAYACTIRO CEEL

0
94

Dadka deegaanka Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa dhibaato xoogan ay ka haysataa helitaanka biyaha, iyadoo ilaha biyaha ee ay heli karaan ay yihiin ceelal facweyn oo muddo hore la qoday.

Ceelka ugu facaweyn deegaanka Taleex oo kamid ah ceelal ay dhiseen daraawiishtii xiligaa maamulaysay dhulkaas ayaa waxa uu ku yaallaa meel aan sidaassilsilada Sayid Maxamed  iyo xaruntii loo yiqiin daar ilaalo oo aan iyadu ka fogeyn ceelka goobta uu ku yaal.

Cabdillaahi Sugule Sasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa radio Ergo uga waramay dhibaatada ka haysata helitaanka biyaha, isagoo tilmaamay in hadda ceelkaas biyaha lagaga lagaga cabo xargaha dawliska ah. waxaana uu codsaday in gacan laga siiyo sidii dhibaatadaas wax looga qaban lahaa.

“Gacmaha ayaan ku dhaansanaa dhibaato weyn  baan  ku qabnaa habkaas, waana mid dheer oo lagu daalayo xiliga laga dhaaminayo, oo aysan dadka waa weyn oo jilicsan aysan awoodin”,

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay khatarta ceelkaas oo sababi kara in ay dad ku dhintaan kadib markii dhawaan saddex gabdhood ay damceen in ay biyo ka dhaansadaan,  deedna ay ku dhaceen.

Cabdikariin Olol/MH/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here