XAFIISKII DHOOFKA XOOLAHA SOOMAALIYA OO DIB LOO FURAY 22 SANO KA DIB

0
39

Wasaaradda beeraha iyo xanaanada xoolaha  ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay dib uga furtay dekedda weyne ee Muqdisho xafiiskii qaabilsanaa dhoofinta xoolaha ka dib 22 sano oo howshiisii ay maqnayd.

Wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Xasan, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xafiiskaan oo burburkii ku xirmay ay  maanta ku guulaysteen inay dib u soo celiyaan, ayna ugu tala galeen meesha ugu dambaysa ee xoolaha Soomaaliya caafimaadkooda lagala socodo, wasiirku wuxuu sheegay in xafiiskani ka gacan siinayo ganacsatada sidii ay u dhoofin lahaayeen xoolo fayow oo caafimaadkoodana la xaqiijiyey.

Sidoo kale wasaaradda beeraha iyo xanaanadda xoolaha ayaa sheegtay inaysan waqtigaan u suurto gelayn dhibaatada haysata xoolaha Soomaalida, gaar ahaan abaarihii sanadkii tegey saamaynt ay ku yeesheen. Wuxuuse sheegay inay bixin doonaan dhowaan tababarro hagaagsan oo ay siiyaan ganacsatada xoolaha dhoofisa iyo dadka dhaqdaba.
Yusuf/ MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here