Qiimaha raashinka quutal daruuriga ayaan wax badan is bedelin iyadoo meelaha qaar cuntada qar qimaheedu kordhay sida magalada Burco qaar kalena hoos u soo dhacay sida Kismaayo, Cabdiqani Axmed Gadow oo ka mid hawl wadeenada shirkada ganacsiga ee Sharij oo ah shirkad keenta kana ganacsata raashinka ayaa Radio Ergo u sheegay in sonkorta qiimaheedu kor u kacaday, burkuna sidaasoo kale uu mar horeba qiimahiisu siyaaday, sidoo kale saliida cuntada lagu karsado ayaa qiimaheeda la filayaa inuu kordho waxaana sababteeda leh ayuu yiri arrimaha burcad badeeda oo kordhisay qiimahii lagu soo qaadayey raashinka,
wuxuuna qiimaha raashinku Burco ka marayaa
Sonkorta = $38
Burka = $38
Bariiska = $32
Muqdisho
Sonkor = $37.8
Bariis = $ 26
Bur = $24.5
Baasto = $8.2
Saliid = $27.5
Baydhabo oo dhowaan ciidamo iskaashanayaa la wareegeen amaankeeda, dagaalana ka dhaceen daafaheeda ayeysan arintaasi saamayn ku yeelan isu socodkii ganacsiga gaar ahaan raashinka, waxaana todobaadkaan qiimaha raashiku ka yahay Baydhabo.
Sonkor = 439
Bur = $25
Baasto = $9.3
Saliid = $28.5
Bariis = $ 23.5
Gaalkacayo
saliida 20 ltr = $29
Bariiska 50kg = $31
Sonkor 50kg = $40
Burka 50kg = $29
Baasto 10kg = $9
Qiimaha raashinka Kismaayo
Bariis: 50kg = $26
Bur 50kg = $27
Sonkor 50kg = $39
Salia 20 litre = $26.5
MH