Qaar ka mid ah dadkii ugu darnaa ee ku dhaawacmey duqeyntii diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde ayaa xaaladdooda Caafimaad laga deyrinayaa, ka dib markii 3 ka mid ah dhaawacyadaasi oo dhowaan la keenay deegaanka islamarkaana lagu daaweynayey Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Baardheere ay Takhaatiirta la tacaalaya caafimaadka bukaanadaasi ay sheegeen in bukaannada qaar ayan waxba u qaban Karin, adeegga iyo qalabka caafimaad oo ku yar darteed..
Aadan Diyaad Xiirey, oo ah Aabbaha labo ka mid ah dadka dhaawaca ah oo la hadlayey Raadiyo Ergo ayaa wuxuu ka warbixiyay in dhaawacyada dadkii ugu darnaa ee dhowaanahanba lagu daryeelayey Caafimaadkooda Isbitaalka Magaalada Baardheere oo xarun caafimaad ay leeyihiin Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed in dhaqaatiirtu ay ku wargeliyeen in ayan waxba ka qaban karin adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yihiin Bukaannadaasi oo gaaraya illaa 3 ruux oo ay ku jiraan 2-carruur ah oo 6-sano jir ah iyo nin kale oo dhalin yaro ah oo 25 sano jir ah.
Aadan ayaa dhinaca kale wuxuu sheegay in dadka dhaawacyada ay ka qabaan qaybaha lugaha, feeraha iyo Maskaxda, islamarkaana ay u baahan yihiin qaliinno, isagoo xusayna in dhibaatada ugu badan ee haysata bukaannadaasi ay tahay firirka gantaallada oo jirkooda galay, shook ay ka qaadeen duqeymahaasi iyo waxyeello ka soo gaartey Sunta kiimakada ee gantaalladii ay ridday diyaaradda.
Waxaana uu tilmaamay in dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ahba markoodii ay la dhibaateysnaayeen abaaraha ku dhuftay gobollo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, ayna ugu sii darsoontay duqeynta Kenya iyo weliba walwalka .
Si kastaba ha haatee 2-dii bishii 12-aad ee sanadkii la soo dhaafey ayey ahayd markii ay diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeymo xooggan ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan gobolka Gedo, waxaana duqeyntaasi ku naf waayey illaa 3 ruux, halka illaa 8 ruux oo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo, dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ayaa dhammaantoodba ahaa xoolo dhaqato reer guuraa ah.
Saalixi/MH/FM