SHAQAALIHII DDG EE KU AFDUUBNAA SOOMAALIYA OO LA BADBAADIYEY

0
42

Hay’adda qaxootiga danmark ee magaceega loo soo gaabiyo DRC ayaa si diiran u soo dhawaysay tallaabadii lagu soo furtay labo kamid ah shaqaalahooda oo 15kii October sanadii tagtay kooxo hubeysan ay ka qafaasheen Gaalkacyo.

DRC oo war qoraal ah boggeeda ku daabacday ayaa xaqiijisay in labadii la hayste ee Jessica Buchanan iyo Poul Hagen Thisted la badbaadiyey subaxnimadii hore ee arbacadii manta.

Weriye radio Ergo ka tirsan oo jooga degmada Cadaado ayaa ku waramay in ay inkabadan sided burcad ah ay ku dhinteen weerarkaasi oo hiirtii hore saaka ka dhacay tuulada la yirahdo Higlaale oo qiyaas ahaantii 45 Kms waqooyi bari ka xigta degmada Cadaado.

Ann Mary Olsen, oo ah madaxa xiriirka caalamiga ah ee DRC oo iyadoo ku sugan Copenhegan telefoonka ugu warantay radio Ergo ayaa waxa ay sheegtay in  Jessica Buchananoo ah gabadh u dhalatay Mareykan iyo Poul Hagen Thisted oo ah Dheenish ay hadda badqabaan, ayna ku sii socdaan goob ay ku nasan doonaan.

Ann Mary ayaa dadka soomaaliyeed iyo asxaabta guud ahaan uga mahadcelisay dadaalkoodii la xiriiray sidii loo siid eyn lahaa labada shaqaallaha samafalka ah, waxaana ay sheegtay in hay’addoodu ay hubin doonto sidii loo caawin lahaa Paul iyo Jessica sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatadii ay soo mareen, ayna dib ula midoobi lahaayeen qoysaskoodii.

Mar Ann Mary Olsen wax laga waydiiyay haddii DRCda ay dib uga cudboonaysiinayso howlihii ay ka waday Galmudug State oo ay hakisay dabayaaqadii sanadkii tagay ayay sheegtay in ay hadda tahay waqti hore in laga jawaabo su’aashaas balse waxa ay ku celisay balanqaadkoodii ahaa in DRCdu ay sii wadi doonta howlaha gargaar oo ay u hayso Somalida ku dhibaataysan gudaha wadanka.

Maxamed Gaarane

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here