50 TAHRIIBIYAAL SOOMAALI OO LAGA CABSI QABO INAY DHINTEEN

0
36

Tiro dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ku jirtay ayaa meydadkooda laga helay xeebaha wadanka Liibiya, doon ay saarnaayeen tiro ku dhow 50 Soomaali ah oo saarnaa doonta kana baxday xeebaha Tripoli 13 bishaan ayaana la xajiiyey inay badidoodu dhinteen.

Wararku waxay sheegayaan in 15 ka mid ahi ahaayeen haween, Cabdiraxmaan Maxamed Happy oo ah weriye Soomaaliyeed kuna sugan magaladda Tiriboli ee xarunt a Liibiya ayaa Radio Ergo u sheegay in dadkaan oo ka safray magalada xeebaha Tiriiboli muddo warkooda la waayey waxaana shalay safaaradii Soomaalid soo wacday warbaahinta, kadib  ayaan aadnay magaaladda Misrata oo caasimadda u jirta h 450 km oo maydad badani ka soo caaryeen, markay gaareen Misrata ayuu weriyuhu sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay.

“Waxaan aragnay dadkii maydka ahaa oo ku jira qaboojiye  waxay kala ahaayeen 12 haween ah, 2 rag ah iyo ilmo ka yar 2 bilood, dadka doonta saarani waxay ahaayeen 50 qof waxaana maydkooda la helay 15 keliya, waxaana loo badinayaa in dadkii doonta saarnaa ay badi wada dhinteen inkastoon raq iyo ruux lahayn 35kii qof ee kale”

Weriyuhu wuxuu sheegay in arintaani ka dhacday badda Liibiya oo aysan doontu ka fogaan, markii ugu wardanbaysay waxay taleefoonka Turaahaya ay kula soo xiriireen Safaaradii Soomaalida una sheegeen in matoorkii doontu ka xumaaday, kadibna warkoodii waa la waaweyey ilaa maydadkoodu ka soo caaryey xeebta magaalada Misraata, dhamaanna dadka doonta saarnaa waxay ahaayeen dad Soomaali ah oo dhalinyaro u badan, waxayna doontu ka shiraacatay xeebaha Liibiya 13iia bisha January, maydadkii ugu horeeyeyna waxaa xeebaha laga helay 18kii January,

Golaha maamulka kumeel gaarka ah ee Liibiya NRC ayaana gacan ka geystey in dadkaas maydadka ah la soo guro lana geliyo qaboojiyayaal, wuxuuna weriyuhu sheegay inuu isagu aqoonsaday dhamaan 15ka qof ee maydka ahi inay yihiin Soomaali.

Golaha NRC oo awoodiisu aad u yartahay ayaan iyagu joojin karin tahriibka ay dadka Afrikaanku kaga talabayaan bada u dhaxaysa Libiya iyo Talyaaniga, waxaana jira inta badan dadka Soomaalidu inay aad ugu safraan hanaankaas tahriibka, mana ahan dhacdadii ugu horaysay oo muhaajiriin Soomaali ahi ku dhintan, sanadkii 2009 ayaa doon siday 200 oo qof Soomaali ah ay ku qaraqmeen bada iyagoona ku dhintay safarkoodii, dhacdadaan ay 50ka qofi ku xaraqmeenna waxay noqonaysaa tii ugu danbaysay ee dhacda.

MH/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here