BOQOLLAAL QOYS OO KA CARARAY DAGAALKII BUUHOODLE OO U TALLAABAY XADKA ITOOBIYA

0
131

Deegaanka Buuhoodle oo toddobaadkii la soo dhaafay ay ka jireen xaalado colaadeed, ayaa boqollaal qof ay ka barakaceen guryahoodii,kuwaasoo u tallaabay dhinaca xuduudka Itoobiya.

Weriye ku sugan Buuhoodle, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay jiraan sidoo kale dad kale oo badan oo degganaa goobaha miyiga ah ee hadda ciidamadu isku hor fadhiyaan oo iyagana ka hayaamay colaadaha jira.

Yuusuf Axmed, oo ah guddoomiyaha urur samafal oo la yiraahdo BYO oo gudaha ka hawlgala ayaa sheegay inaysan jirin cid caawisay dadkii barakacay oo badigoodu ku sugan tuulada Goob oo gudaha Itoobiya ku taal, ururkooduna ay gaarsiiyeen bacaha hoyga laga dhigto, waxaana jira cudurka shubanka oo carruurta waqtigaan soo ridanaya..

Hay`adda bisha cas ee Buuhoodle ayaa iyana sheegtay inay jiraan dad shicib ah oo ku dhaawacmay dagaalkii 15-kii bishan dhacay, kuwaasoo lagu daaweeyey goobo kala geddisan. Xilligaan oo lagu jiro abaar ayaa colaadaha ka jira deegaanka Buuhoodle ay saamayn ku yeesheen dadka deggan magaalada iyo miyigaba.

Hay`adda laanqayrta cas ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in cuntayaraantii ka taagnayd Soomaaliya ay hoos u soo dhacday iyadoo dadkuna ay ka soo kabanayaan macaluushii, waxayse qirtay ICRC in iska hor imaadyadu yihiin dhibaatada ugu daran ee waqtigan khatar gelinaysa kumannaan Soomaali ah.
FM/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here