WADDOOYINKA DEGMADA WAAJID OO LA BANNEEYAY

0
80

Inkastoo ay jireen dhibaatooyin darawallada gaadiidka ay kala kulmaan marinka qaar ka mid ah waddooyinka degmada Waajid sababo la xiriira dhismooyin yar yar oo laga dhistay hareeraha jidcaddayaasha, ayaa maamulka ka arrimiya degmada wuxuu qaaday tallaabooyin lagu soo celinayo bilicda si loo helo goobo ay maraan gaadiidka. Sidoo kale waddooyin degmada Waajid ku xira deegaanno ka tirsan gobolka Bakool iyo qaar ka mid ah jidcaddayaasha xiriiriya xaafadaha  ayaa ka mid ah goobaha hawlgalka laga sameeyay.

Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ee degmada Waajid ayaa sharraxaya sida ay u fuliyeen tallaabooyinka lagu furayo waddooyinka oo ciriiri ahaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa jawaab u noqonaysa ashtako darawaallada gaadiidka ay u gudbiyeen maamulka waxaana dareen wanaagsan ka muujiyay sida waddooyinka loo furay ganacsatada iyo dadka isticmaala waddooyinka xiriiriya degmooyinka Rabdhuurre iyo Waajid iyo qaar k amid ah xaafadaha.

Shuceyb Sheekh Xasan oo k amid ah darawallada ka shaqeeya degmada Waajid ayaa Raadiyo Ergo uga warramay dareenkiisa ku aaddan waddooyinka dib loo furay.
Wuxuu sheegay in hadda ka dib ay ku safri doonaan waddooyin xirnaa sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo haatan u fududeynaya gaadiidka inay ku kala socodaalaan jidad kala duwan taasi oo keeneysa buu yiri inay arrimaha isu socodku hagaagaan..

Siday sheegayaan darawallada waxaa aad u adag isticmaalka jidadkaasi iyadoo loo baahanyahay in dayactir lagu sameeyo, Shuceyb ayaa tilmaamay in waddooyinka u baahan dayactirka ay ka mid yihiin waddada isku xirta Baydhabo, Waajid iyo tan Rabdhuurre.
Wadodoyinka bur bursan ayaa noqda kuwo aan laga gudbi karin marka ay da`aan roobabka sababo la xiriira biyaha oo fariista meelaha ay ka burbursanyihiin jidadka taasi oo keenta in ay ku adkaato marinka gaadiidka xamuulka ah ee ku safra waddooyinkaasi.

Roobabkii ka curtay gobollada Bay iyo Bakool oo biyo dhigay waddooyinka ayaa keenay in ay  xannibmaan gaadiid badan oo ku wajahnaa gobolka Gedo iyo deegaanno ka tirsan Itoobiya sababo la xiriira waddooyinka oo bur bursan.

Dhibaatooyinka ka dhasha bur burka jidadka ayaa ah kuwo aad u hooseeyo marka laga hadlayo gobollada Bay iyo Bakool iyadoo roobabkii da’ay xiligii Dayrta ay hakiyeen gebi ahaanba ganacsigii goboladaasi la lahaayeen magalada Muqdisho oo ay alaabtu uga soo talowdo, ku dhowaad 300 oo gaadiid xamuul sida ayaana muddo bil ku dhow rar la taagnaa duleedka Baydhabo.

Cabdicasiis Koronto/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here